Labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea ee Moises Caicedo iyo Enzo Fernandez ayaa masaxay akoonadoodii Twitter-ka kadib markii ay la kulmeen tacadiyo iyo afalaado ka dib guuldaradii ka soo gaartay kooxda Liverpool.
Wiilasha Mauricio Pochettino ayaa xasuuq 4-1 ah kala kulmay kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ee Liverpool oo habeenkii Arbacada marti loogu ahaa Anfield.
Ka dib ciyaartaas, ciyaartoyda Chelsea ayaa aflagaadooyin iyo tacadiyo qoraal ah kala kulmay taageerayaashooda isticmaala Twitter.
Waxayna taasi sababtay in Moises Caicedo iyo Enzo Fernandez inay gabi ahaanba masaxaan akoonadoodii ay ku lahaayeen Twitter.
Chelsea ayaa ka aamustay inay ka hadasho talaabada ay qaadeen ciyaartoydaan ka dib tacayadii ay kala kulmeen taageerayaashooda.
Chelsea waxay ka raaracdaa kaalinta 10aad ee Premier League, waxayna 13 dhibcood u jiraan booska kaalinta afaraad.
Waxay badiyeen seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah ka hor inta aysan xasuuq xun kala kulmin Liverpool.
Chelsea waxay martigelin doontaa berri oo Axad ah kooxda Wolves ka hor inta aysan Arbacada kulan ku celis ah oo ka tirsan wareega afaraad ee FA Cup la ciyaarin kooxda Aston Villa.