ĹKooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah uga hartay tartanka UEFA Champions League kadib markii ay guuldarro rigoorooyin 4-1 ah kala kulantay Paris Saint-Germain (PSG) kulankii lugta labaad ee wareegga 16-ka. Ciyaarta oo ka dhacday Anfield ayaa ku soo dhammaatay 1-0 oo ay ku adkaatay PSG, taasoo ka dhigtay in labada kooxood ay isku noqdaan barbaro 1-1 ah guud ahaan labada lugood, sidaas darteedna loogu baahday in lagu kala baxo rigoorooyin.
Qeybtii hore ee ciyaarta, PSG ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta kadib markii Ousmane Dembélé uu dhaliyay gool daqiiqadii 12-aad, taasoo keentay in labada kooxood ay isku noqdaan barbaro guud ahaan labada lugood.
Intii lagu jiray waqtiga caadiga ah iyo kan dheeriga ah, labada kooxood ayaa sameeyay fursado badan, laakiin ma aysan suuragelin in la kala baxo. Liverpool ayaa heshay fursado dhowr ah oo ay ku dhalin kareen goolal, laakiin waxaa ka maqnaa dhammeystire sax ah.
Markii la gaaray rigoorooyinkii, PSG ayaa si weyn uga faa’iideysatay, iyadoo goolhaye Gianluigi Donnarumma uu badbaadiyay labo rigoore oo muhiim ah, taasoo keentay in PSG ay ku adkaato 4-1 rigoorooyinka.
Guuldarradan ayaa dhabarjab weyn ku ah Liverpool, oo rajeyneysay inay gaarto wareegyada dambe ee tartanka. Dhanka kale, PSG ayaa u dabaaldegaysa guushan muhiimka ah, iyagoo u gudbay wareegga siddeeda ee Champions League, iyagoo raacaya kooxaha kale ee waaweyn sida FC Barcelona, Inter Milan, iyo Bayern Munich.
Liverpool waxaa dhaawac kaga baxay Konate iyo Arnold,waxaana loo badinayaa iney seegi doonaan kulamada muhiimka ah ee horyaalka.