Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa isku diyaarinaysa sidii ay u ahaan lahayd koox dhisan oo aanay awooddeedu wiiqmin kaddib bixitaanka xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo la sheegayo inay suurtogal tahay inuu u wareego horyaalkawaddanka Sucuudiga marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Mohamed Salah oo intii uu joogay Liverpool ay guulo waaweyn gaadhay isla markaana soo afjartay inkaartii ka haysatay horyaalka Premier League oo ay 30 sannadood ka qatanayd, Champions League oo ay ku guuleysteen iyo koobab kale oo maxalli ah, ayaa waxa £150 milyan oo Gini dul-dhigtay Al-Ittihad xagaagii tegay.
Sannad ayaa wali ka hadhsan qandaraaskiisa, laakiin Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta inay iibiso haddii ay arkaan in aanu saxeexayn qandaraas cusub.
Liverpool ayaa waxa ay dhinaca kale waxa ay diyaarsanaysaa ciyaartoygiiu buuxin lahaa booska uu ku bannaynayo Mohamed Salah, waxaanay doonayaan inay la saxeexdaan garabka weerarka kooxda Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush.
Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany, Liverpool ayaa waxa ay u aragtaa Omar Marmoush in uu yahay ciyaartoyga ciyaartoyga mustaqbal fiican leh oo geli karaya booska Mohamed Salah marka laga eego awooddiisa gool-dhalinta, goysmada iyo xeeladihiisa kale ee ciyaareed.
Omar Marmoush oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa isaguna u dhashay waddanka Masar, waxaana xilli-ciyaareedkan socda uu u dhaliyey Eintracht Frankfurt 15 gool iyo lix kale oo uu caawiyey isaga oo u saftay 33 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.