Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ka badheedhay kulanka adag ee Axadda ee kooxaha Manchester City iyo Arsenal ee horyaalka Premier League, kuwaas oo uu doortay kooxda uu doonayo inay guuleysato.
Ciyaartan ayaa ay labada kooxood isku haleelayaan iyadoo toban ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxaana natiijada kasoo baxda ay saamayn doontaa figta sare ee horyaalka Premier League.
Kooxda tababare Mikel Arteta ee Arsenal oo hoggaanka horyaalka Premier League ku haysa farqiga goolasha oo ay kaga horreyso Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, ayaa waxa ay sidoo kale hal dhibic ka horreysaa Man City oo saddexaad ku jirta.
Manchester City oo ciyaartii hore ee horyaalka Premier League ee bishii December ay garoonka Emirates Stadium ku booqatay Arsenal lasoo kulantay guul-darro 1-0 ah ayaa waxa hadda ay doonaysaa inay ku aargoosato garoonkeeda, sidoo kalena ay dhibco ahaan u dhaafto Gunners.
Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa waraysi ka baxay The Overlap oo uu la yeeshay Jamie Carragher waxa uu ku weydiiyey su’aal ahayd: “Waxa hubaal ah in aad doonayso in Arsenal ay uuleysato Axadda, sow sidaa ma aha marka aad ku eegto aragtida Liverpool?”
Jamie Carragher oo ka jawaabayay syu’aashan ayaa yidhi: “Haa, laakiin xataa haddii Man City ay guul-darraysato Axadda, wali waxa ay ku guuleysan karayaan horyaalka. Waxay ila tahay in Arsenal ay garaaci karayso City, balse ilama aha in Arsenal ay horyaalka ku guuleysan doonto.
“Marka aad tahay Liverpool, waxa hubaal ah in aad doonayso in City ay guul-darraysato laakiin waxay ila tahay in ay wali horyaalka ku guuleysan karayaan. Arsenal kaliya way u daaallamaysaa horyaalka, laakiin kuma guuleysan karayso, marka aan ku eego aragtida Liverpool.”
Jamie Carragher ayaa la weydiiyey waxa dhacaya haddii Arsenal laga badiyo Axadda, waxaanu ku jawaabay: “Arsenal way ku adkaan doontaa inay kasoo kabato.”