Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu burburiyey garoonkeeda Anfield, waxaana dhax jiid-jiidday Atalanta oo ku qasabtay taageereyaasha aan is-dhiibin in ay iskaga dareeraan garoonkooda markii ay u adkaysan waayeen bahdilaadda loo geysanayo naadigooda oo waliba hoygooda jooga.
Lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League ayaa Liverpool waxa ku hubsaday burbur aanay meeshaba soo dhiganin, waxaana 3-0 ku karbaashtay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Atalanta oo marti ku ahayd Anfield.
Laba gool oo daran-doorri ahaa oo uu is-raaciyey weeraryahankii hore ee West Ham ee Scamacca iyo mid uu waqti dambe ku daray Pasalic oo si dhab ah quus uga dhigay Liverpool, kaas oo keenay in tababare Jurgen Klopp uu kursigiisa fadhiisto oo uu amakaag afka qabsado.
Ciyaartan oo uu tababare Klopp kaydka dhigay Mohamed Salah, Luis Diaz iyo Dominik Szoboszlai ayaa waxa fursado waqti hore ahaa heshay Liverpool oo aan ka faa’iidaysanin iyadoo Darwin Nunez iyo Cody Gakpo ay awoodi waayeen inay dhamaystiraan kubbado ay heleen.
Zappacosta ayaa qaybta horeba caddeeyey in kooxdiisu ay guuleysanayso markii uu laba jeer tijaabiyey goolka uu waardiyaha ka ahaa Kelleher oo uu u dhowaaday inuu shabaqa soo taabto.
Daqiiqaddii 38aad ee qaybta hore ayuu Scamacca dhaliyey goolka koowaad ee kooxdiisa, taas oo qasabtay in Jurgen Klopp uu waqtigii nasashada garoonka kusii diyaariyo Mohamed Salah, Luis Diaz iyo Szoboszlai, halka uu saaray Curtis Jones, Hargey Elliott oo birta garaacay iyo Tsimikas, balse waxa qaybtii dambe caddaatay in aanay ciyaartoydan baxday wax eed ah lahayn.
Scamacca ayaa gool qurux badan oo ay ciyaartoyda Liverpool moodayeen offside hoggaanka ugu sii dheereeyey daqiiqaddii 61aad, markaas oo uu kubbad ka helay De Ketelaere oo garabka midig ka keenay baas uu soo dhaafiyey difaacyahannada Liverpool.
Liverpool ayaa keentay gool uu u dhaliyey Mohamed Salah oo markii uu isku dayey inuu dabbaal-dego waxa uu arkay calanka oo dhinaca ka taagan oo offside sheegaya, waxaana go’aankaas ku waafaqay VAR.
Dhamaadka ciyaarta oo ay siddeed daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Atlanta keentay goolkeeda saddexaad oo uu u dhaliyey Pasalic, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Atlanta.
Lugta labaad ayaa waxa ay Khamiista toddobaadka dambe ka dhici doontaa waddanka Talyaaniga, iyadoo Liverpool ay u taallo shaqo adag oo ah inay guul soo laabasho ah keento.
Dhinaca kale, Bayer Leverkusen ayaa sii wadata rikoodhka mucjisada ah ee sannadkan waxaanay 2-0 ku garaacday West Ham lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League.
Leverkusen oo aan hal marna laga badinin xilli-ciyaareedkan oo dhan, ayaa waxa labada gool u kala dhaliyey Hofmann iyo Boniface oo kasoo laabtay dhaawac.
Sidoo kale, AS Roma oo marti ku ahayd San Siro Stadium ayaa 1-0 kaga soo adkaatay AC Milan, halka Benfica ay 2-1 kusoo muquunisay Marseille.