Shaki kuma jirin marnaba in kulankaan uu noqonayo mid weyn iyadoo natiijadii maanta ay muhiim u noqon doonto sida uu xilli ciyaareedka ku dhamaado.
Arsenal ayaa ah kooxda faraxsan seddex kooxood ee ku tartamaya horyaalka xilli ciyaareedka, iyadoo barbaraha ay ka caawisay inay hogaanka u hayaan horyaalka ka hor inta aysan la ciyaarin Man Citu seddex isbuuc ka dib.
Liverpool ayaase dareemi karta inay fursad is dhaafiyeen. Waxay cunaha qabteen Man City gaar ahaan qeybtii labaad, isagoo helay 19 darbo oo lix ka mid ah ay bartilmaameed ku ahaayeen goolka. Haddii Diaz uu xariif ku ahaan lahaa goolka hortiisa, waxay ku badin lahaayeen goolal badan.
XIDDIGA GAROONKA- VIRGIL VAN DIJK
Kabtanka Liverpool mararka qaar xilli ciyaareedkan wuxuu wajahayay eedeymo, laakin kulankii maanta waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican gaar ahaan isagoo jeebka ku ritay Erling Haaland, wuxuu u diiday weeraryahanka Man City inuu kubada taabto.
Xitaa markii Haaland uu fursad u helay inuu hal ka hal goolka la aado kubada, waxaa taakal cajiib ah kaga badbaadiyay Van Dijk kaasoo ciyaartiisa iyo agaasinkiisa ay muhiim u aheyd Liverpool.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
LIVERPOOL: Kelleher 7; Bradley 7, Quansah 7, van Dijk 9, Gomez 8; Szoboszlai 6, Endo 7, Mac Allister 7; Elliott 6, Nunez 6, Diaz 6.
Bedel: Robertson 7, Salah 6, Gakpo 6
MANCHESTER CITY: Ederson 6; Walker 7, Akanji 8, Ake 6; Rodri 7, Stones 7; Foden 6, Silva 6, De Bruyne 6, Alvarez 6; Haaland 6.
Bedel: Ortega 7, Kovacic 6, Doku 7