Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa laga saari doonaa oo aan kasoo qayb-geli doonin tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe, xataa haddii ay kusoo guuleysato horyaalka Ingiriiska oo ay noqoto kooxda kaalinta koowaad kusoo baxda.
Pep Guardiola oo ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga jirto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waqtigan, isla markaana laba dhibcood ka hoosaysa Liverpool ayaa waxa gacanta ugu jira hal kulan oo haddii ay guuleysato ay figta sare ku fadhiisan doonto, halka haddii ay ciyaartaas soo badisana ay sagaal dhibcood ka horreyn doonaan Aston Villa oo kaalinta shanaad ku jirta, taas oo u damaanad-qaadaysa in aanu marnaba gorgortan geli doonin inay afarta sare ku dhamaysanayaan.
Manchester City ayaa sidoo kale u dagaallamaysa inay difaacato tartanka Champions League ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay, iyagoo wareegga 16ka ku dhacay FC Copenhagen oo ay caawa ku booqanayaan Denmark.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa waxa laga yaabaa in laga caydhiyo tartanka Champions League waxaana arrintan dabada ka riixaya kooxaha Arsenal iyo Liverpool.
Manchester City oo iska leh 47% saamiga kooxda horyaalka Spain ee Girona oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka La Liga isla markaana shan dhibcood ka dambaysa Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhibaato badan ku abuuri doonta haddii ay dhibco ahaan ka sarrayso Barcelona iyo Atletico Madrid oo kaalmaha saddexaad iyo afraad ku kala jira.
Haddii Manchester City iyo Girona ay isku boos ku dhamaystaan, City ayaa heli doonta gacanta sare maadaama ay qiimayn ahaan ka sarrayso, hase yeeshee haddii ay Girona sarrayso waxa saaxadda ka bixi doonta Man City, sababtoo ah sharciga UEFA ma ogola in laba kooxood oo hal mulkiile wada leeyahay ama saamiga ugu badan ku leh ay kasoo wada qayb-galaan tartanka Champions League.
Liverpool iyo Arsenal ayaa dabada ka riixi doona in UEFA ay si adag uga hawlgasho arrintan oo aan Man City loo ogolaanin si ay kasoo qayb-gasho Champions League.