Kooxaha horyaalka Premier League ee Liverpool iyo Arsenal ayaa dib uga istaagay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo uu hunguri ka hayey, kaddib markii la shaaciyey gunnada saxeexa heshiiska uu uu dalbanayo xiddiga reer France.
Liverpool iyo Arsenal ayaa isku dayayey inay Kylian Mbappe ka afduubtaan kooxda sida weyn loola xidhiidhinayo ee Real Madrid oo la sheegay in uu ka degi doono xagaaga kaddib markii uu ka gaws-adaygay May 2022 oo iyadoo laga sugayo Santiago Bernabeu uu si lama filaan ah heshiis ugu saxeexay kooxdiisa PSG.
Sida uu qoray wargeyska The Independent ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Real Madrid waxay dhowaan xaqiijisan doontaa heshiiska Mbappe oo si xor ah ay ugala soo wareegi doonto PSG, iyadoo haddaba dhinacyadu ay sii gaadheen is-faham oo ay si joogto ah u xidhiidhaan.
Tababaraha PSG ee Luis Enrique ayaa sheegay in aanu wali Kylian Mbappe waxba u sheegin kooxdiisa oo aanu ku wargelin inuu tegayo iyo inuu joogayo midna, waxaana laacibkan oo 28 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay kooxdiisa u dhaliyey 29 gool iyadoo xilli-ciyaareedku uu kala-badh marayo, ay Real Madrid siin doontaa 60 milyan oo Gini oo ah lacagta xaqal saxeexa oo aanu ku jirin mushaharkiisu.
Kooxaha Premier League ayaa arrintan ay ku keentay dibu-gurasho oo u arka mid aanay ka gayoonayn, iyadoo ay u dheeraanayso mushahar badan.