Lionel Messi ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu ka qaybgeli doono kulanka sagootinta ee Carlos Tevez, kaas oo loogu magac daray ‘Adiós Apache’, iyadoo Cristiano Ronaldo isagana lagu casuumay ciyaarta. Kulankan ayaa 20-ka December ka dhici doona garoonka La Bombonera ee kooxda Boca Juniors, in ka badan afar sano ka dib markii uu Tevez ka fariistay kubbadda cagta.
Ciyaartan ayaa dhex mari doonta koox ka kooban halyeeyadii Boca Juniors iyo koox kale oo ay ku midaysan yihiin saaxiibbada iyo ciyaartoydii hore ee Tevez, iyadoo la filayo inay kala hoggaamiyaan tababarayaasha Carlos Bianchi iyo Roberto Mancini.
Marka laga soo tago Messi, xiddigaha xaqiijiyay ka qaybgalka waxaa ka mid ah Sergio Aguero, Juan Roman Riquelme, Gianluigi Buffon, Rio Ferdinand, Martín Palermo, iyo Leandro Paredes. Sidoo kale, Arturo Vidal, Gabriel Batistuta, Pablo Zabaleta, Esteban Cambiasso, Sebastián Battaglia, Nicolas Burdisso, iyo Diego Cagna ayaa la sheegay inay aqbaleen casuumaadda.
Xiddigihii ay Tevez u soo wada ciyaareen Manchester United sida Cristiano Ronaldo, Edwin van der Sar, iyo Patrice Evra ayaa iyagana la casuumay. Tevez oo la hadlay warbaahinta Argentina ayaa sheegay inay wax cajiib ah noqon doonto haddii Ronaldo uu yimaado Argentina oo uu ka qaybgalo kulanka. Ka hor ciyaarta, Tevez wuxuu qorsheynayaa inuu martidiisa booqasho ku geeyo xaafadda Fuerte Apache ee uu ku soo koray.