Ashley Young Oo Man United U Sheegay Xiddiga Ay Tahay Inay Iska Iibiso Suuqa Janaayo: “Marnaba Heshiis Cusub Ma Siiyeen!”

Ashley Young oo ahaa kabtankii hore ee Manchester United ayaa kooxdiisii hore u sheegay inay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes.

Young wuxuu aaminsan yahay in xiddigan u dhashay Portugal uu guulihiisa gaarka ah ka jecel yahay danta guud ee kooxda. Wuxuu hadalkan ka sheegay barnaamijka Football Daily ee ka baxa BBC Radio 5 Live. Hadalkiisu wuxuu yimid ka dib markii Man United ay Arbacadii barbarro 2-2 ah la gashay kooxda Sporting CP kulan ka tirsanaa Champions League.

“Haddii Manchester United ay bisha Janaayo lacag ku heli karto iibinta Fernandes, anigu waan iibin lahaa. Marnaba kuma fikiri lahayn inaan heshiis cusub siiyo,” ayuu yiri Young. “Wuxuu u eg yahay ciyaaryahan ay uga muhiimsan tahay inuu isagu billado helo halkii kooxdu guulaysan lahayd, taasna waa dabeecaddiisa.”

Fernandes wuxuu Manchester United kaga soo biiray kooxda Sporting CP sannadkii 2020. Heshiiska uu hadda kooxda kula jiro wuxuu dhammaan doonaa sannadka soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular