Kooxda Arsenal ayaa sii wadda la socoshada xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina, Nico Paz, oo u ciyaara kooxda Como, iyadoo qorshaynaysa inay u dhaqaaqdo xagaaga. Waxaa la aaminsan yahay in heshiis kiisu ku kici karo €100 milyan.
Suxufiga Ben Fernandes Santos ayaa sheegay in Arsenal ay si dhow ula socoto xaaladda 22-jirkan, kaas oo noqday mid ka mid ah hibada weerarka ee ugu wanaagsan horyaalka Serie A ka dib qaab-ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee uu ku soo bandhigay Como.
Arsenal ayaa xagaagii hore muujisay xiisaha ay u qabto Paz, balse wuxuu doorbiday inuu sii joogo Como si uu u sii horumaro. Dhanka kale, wararka sheegaya inuusan u janjeerin inuu dib ugu laabto Real Madrid ayaa kooxda reer London siin kara fursad cusub oo ay kula soo wareegto.
Real Madrid ayaa haysata fursad gaar ah oo ay ciyaaryahanka dib ugu soo ceshan karto xagaaga soo socda iyadoo bixinaysa £67 milyan, halka Como ay ku dhowaad €100 milyan ka dalban karto kooxaha kale ee xiisaynaya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Manchester United, Chelsea, iyo Paris Saint-Germain.
Nico Paz ayaa caan ku ah dhalinta goolasha, abuurista fursadaha, iyo ka ciyaarista boosas badan oo weerarka ah, taas oo Arsenal siin karta xalal hal-abuur oo dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha sare ee la dalbanayo ayaa ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dhammaystirka heshiiskan.