Manchester United ayaa lagu waramayaa inay qoratay liiska afar tababare oo ay u arkaan bedelka Erik ten Hag haddii uu baxo xagaagan.
Ka dib markii ay Man United ku dhameysatay kaalinta 8aad xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League oo aheyd booskoodii ugu xumaa ee ay ku dhameystaan tan iyo 1990kii, waxaa shaki weyn la gelinayaa mustaqbalka tababare Erik ten Hag.
Sida ay qortay jariirada The Times Man United oo koob ku guuleysan karta haddii ay garaacaan Man City sabtida Finalka FA Cup ayaa heysata magacyada afar tababare oo ay ku bedeli karaan Erik ten Hag haddii uu baxo.
United ayaa sheegtay inaysan weli wax go’aan ah ka gaarin mustaqbalka tababaraha reer Holland, iyadoo mustaqbalkiisa laga tashan doono ka dib kulanka Wembley ee Sabtida.
Si kastaba, haddii ay go’aansadaan inay ceyriyaan Ten Hag, waxaa liiskooda ugu sareeya Mauricio Pochettino oo Talaadadii ay kala tageen Chelsea.
Thomas Tuchel ayaa isna ah tababare kale oo ay liiska ku darsadeen madaama uu xagaagan ka tagayo kooxda Bayern Munich.
Tababaraha kooxda Ipswich Town Kieran McKenna ayaa isna ugu cadcad shaqada Man United iyadoo ay sidoo kale doonayaan kooxaha Brighton iyo Chelsea ka dib markii uu labo jeer soo dalacsiiyay Ipswich.
McKenna ayaa caawiye u soo ahaa Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer markii ay joogeen old Trafford, waxaana qandaraaskiisa Ipswich lagu burburin karaa lix milyan ginni.
Tababaraha afaraad ee Man United ay qorotay waa Thomas Frank kaasoo wacdarro ka dhigay Brentford lixdii sannadood ee ugu danbeysay, isagoo ka soo dalacsiiyay heerka laabad islamarkaana ka dhigay koox aan ka dhicin Premier League.