Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ka nixiyey kooxdiisa Manchester United, waxaana uu ka codsaday inay u rumeeyaan riyadiisa oo ay gacantiisa soo geliyaan koobka FA Cup marka ay Sabtida berri la ciyaaraan Manchester City.
Hadalkna oo u muuqda macasalaamayn iyo sagootin ayuu Bruno Fernandes ka dhawaaqjiyey, waxaana warbaahinta Ingiriisku ay ku tilmaantay inuu si dadban u shaaciyey inuu ka tegayo Old Trafford.
Horraantii bishan, wargeyska The Sun ayaa shaaciyey in Fernandes uu ka fiirsanayo inuu ka tago Manchester United oo afar sannadood iyo badh uu u ciyaarayay isla markaana uu waqtigaasi ahaa mid adag oo kaliya hal koob oo ahaa Carabao Cup ay qaadeen.
Qoraalka uu kabtanka Manchester United kusoo qoray bartiisa bulshada ee saska abuuray ayaa u dhignaa sidan: “Waxa aan doonayaa in rajooyinkaygii ay waafaqaan rajooyinka kooxda.
“Haddii aad doonayso inaad la hadasho taageere kasta, waxa ay kuu sheegayaan isku hal wax, waana in aanu doonayno in aanu ku tartanno horyaalka.
“Waxa aanu doonaynaa in aanu awoodno in aanu ciyaarno tartanka Champions League, waxa aanu doonaynaa in aanu tagno finalo. Taas ayaa ah heerka la doonayo.”
Intaas kaddib ayuu saska kusii riday Bruno Fernandes, waxaanu yidhi: “Taas ayaan aniguna doonayaa. Idinkuna [taageereyaasha Man United] waad u qalantaan dhamaantood.”
Markii uu qoraalkani hadal-hayn badan oo la xidhiidha mustaqbalkiisa uu abuuray, ayuu mar kale Bruno Fernandes sixitaan sameeyey, waxaanu qoraalkiisa kusoo daray: “Anigu waan jecelahay Old Trafford, mana doonayo in aan ka tago. Mar walba riyadayda ayay ahayd inaan u ciyaaro Man United.”