Lamine Yamal ayaa qirtay in xanaaq iyo go’aan adag ay ka caawiyeen Barcelona inay sameeyaan soo laabasho layaab leh oo ay guul kaga gaareen Atletico Madrid 4-2 Axaddii, kulan ka tirsan La Liga.
Barcelona ayaa u muuqatay in laga adkaan doono kaddib markii ay 2-0 hoos uga dhaceen, balse Robert Lewandowski iyo Ferran Torres ayaa dhaliyay laba gool oo ciyaarta ka dhigay barbaro.
Yamal ayaa kadib dhaliyay gool qurux badan oo 3-2 ka dhigay ciyaarta, ka hor inta uusan Ferran mar kale shabaqa soo taabanin si uu gabi ahaanba usoo afjaro riyadii Atletico Madrid.
Kaddib ciyaarta, Yamal oo dareenkiisa la wadaagaya taageerayaasha wuxuu yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha. Ciyaartan aad bay noogu muhiimsanayd. Waxaan ku dabaaldegney qolka labiska, anagoo si wadajir ah u faraxsan. Aad ayaan ugu riyaaqay.”
“Waxaan u maleynayaa in xanaaqa uu qayb ka ahaa sababta aan dib ugu soo laabanay, maxaa yeelay si fiican ayaan u ciyaaraynay, balse hoos ayaan u dhacnay. Goolka Robert wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, sidaas oo kale goolka Ferran. Kadib waan sii wadnay, aniguna waxaan dhaliyay goolka saddexaad.”
“Waan ogaa in haddii aan gool dhaliyo ay noqon doonto kulan muhiim ah. Dhab ahaantii, iima muhiimsana haddii aan gool ka dhalin kulamo qaar, intii ay kooxda guuleysanayso. Laakiin maanta, waxaan u baahnayn goolkan, waana dhaliyay goolka saddexaad, kaas oo aad muhiim u ahaa.”
“Inaan maanta garaacno Atlético Madrid waxay la micno tahay dharbaaxo weyn. Waxay noo ogolaatay inaan dib u hantino hoggaanka, anagoo hal kulan baaqi inoo ah.”