Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqi doonta saxeexa weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo heshiis amaah lix bilood ah ay kaga soo qaadanayaan kooxda reer Germany ee RB Leipzig.
Spurs ayaa waxa ay dookh u haysataa in ay Timo Werner si rasmi ah ugula saxeexan karto qiime la isla meel-dhigay oo laacibkan hore ee Chelsea uu si buuxda ugu negaanayo magaalada London.
27 jirkan ayaa ay taageereyaasha kooxdiisa cusub ee wali rasmi ahaanta aan heshiiskiisa ugu dhawaaqin ay is-weydiinayaan lambarka uu u xidhan doono, waxaana halkan aynu kusoo gudbinaynaa lambarrada suurtogalka ah ee ay Spurs u diyaarisay weeraryahankeedan cusub oo uu tababare Postecoglou dalbaday markii uu Son u safray waddankiisa South Korea oo uu muddo bil ah ugu maqnaanayo ciyaaraha Qaramada Asia ee lagu qabanayo waddanka Qatar.
Lambarradii uu hore usoo xidhay
Taariikh ahaan, Timo Werner markii ay da’diisu ahayd 17 jir ee uu u ciyaari jiray Stuttgart, waxa uu ku biloday No.19 oo uu saddexdiisii xilli-ciyaareed ee ugu horreeyey xidhnaa, laakiin markii uu sannadkii 2016 u wareegay RB Leipzig, waxa lagu casuumay No.11, kaas oo sidoo kale uu u xidhan jiray kooxdiisii hore ee Chelsea ee uu sannadihii 2020 illaa 2022 u ciyaarayay.
Xulka qarankiisa Germany oo uu ka mid ahaa xiddighii ku ceeboobay Koobkii Adduunka sannadkii 2018, waxa uu u xidhnaa No.9, kaas oo ay ka hadheen isaga oo aan xataa hal gool ka dhalinin.
Lambarkee ayuu Tottenham u xidhan doonaa?
Nasiib-darro, No.11 oo uu Timo Werner aad u jecel yahay kama bannaana Tottenham waxaana iska leh Bryan Gil oo ay u badan tahay in aanu waqtigan ka tegi doonin Spurs.
Sidoo kale, Ryan Sessegnon ayaa haysta No.19 oo ah lambarka dookha labaad u ah Timo Werner, halka No.9 uu iska leeyahay weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison.
Werner ma doonayo inuu xidho lambarrada hoose ee 1, 2 iyo 6 oo bannaan, laakiin Eric Dier oo la filayo inuu ka tago kooxda ayaa bannaynaya No.15, halka No.16 uu yahay dookh furan oo aanay cidina haysanin. Waxa kale oo uu Timo Werner kala dooran karaa No.24, No.25, No.26 iyo No.28.
Lambarrada kale ee bannaan ee No.31, No.32, No.34 iyo No.39 ayaa la sheegay in aanu laacibkani xiisaynayn.