Halyeygii Arsenal ee Ian Wright ayaa magacaabay xiddig uu rumaysan kari la’yahay waxa uu garoomada ka samaynayo oo u dheelaya Arsenal, waxaana uu sidoo kale saadaal ka sameeyey horyaalka Premier League kaddib markii ay Gunners Sabtidii garoonkeeda ku garaacday Bournemouth.
Arsenal ayaa kusii dheggen horyaalka Premier League oo ay laba ciyaarood u hadhsan yihiin, waxaanay hal dhibic ka horreysaa Manchester City oo saddex kulan ay uga hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka, taas oo ay ku ducaysanayaan in ay ugu yaraan kufto hal mar.
Labada kooxood ayaa guulo iskugu jawaabay Sabtidii, waxaanay Arsenal 3-0 ku muquunisay Bournemouth, halka Manchester City ay 5-1 ku xasuuqday Wolves oo afar ka mid ah goolasha uu ka dhaliyey Erling Haaland.
Ian Wright oo ka hadlayey barnaamijka Match of the Day ee BBC Sports, ayaa waxa uu ammaan ugu qubeeyey xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Declan Rice oo uu ku tilmaamay ciyaartoy aan la rumaysan karin waxa uu samaynayo.
“Waa ciyaartoyga isbeddelka samaynaya, waxa uu ka ciyaari karayaa boos walba oo khadka dhexe ah.” Ayuu yidhi Ian Wright, waxaanu sii raaciyey: “Waxa uu la qabsan karayaa xaalad kasta, waanu la tacaali karayaa wax kasta oo ku yimaadda.
“Way adag tahay in la calaamadsado, sababtoo ah boos walba ayuu ka dheelayaa. Waxa uu samayn karayaa kubbadaha, waanu dhalin karayaa, waxaana fursad sinaya Thomas Partey oo kasii dambeeya oo u ogolaanaya inuu hore u socdo.”
Ian Wright ayaa intaas kaddib saadaaliyey horyaalka Premier League, waxaana uu quus ka dhigay naadigiisii hore ee Arsenal, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Man City ay aad uga xooggan tahay in la qabto, way guuleysan doonaan kulamada u hadhay oo dhan, horyaalkana iyaga ayaa ku guuleysanaya.”