Kabtanka kooxda kubadda cagta Tottenham ee Son Heung-Min ayaa maanta cafis weydiisan doona tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo uu qortay inuu ka galay ‘qaladkii ugu weynaa noloshiisa’, balse uu hadda garwaaqsaday.
Tottenham ayaa waxa ay safar ugu tegaysaa Liverpool oo garoonka Anfield kusoo dhoweyn doonta, waxaana uu laacibkani ku dedaali doonaa sidii uu kooxdiisa uga caawin lahaa inay gaadho guul sababi karta inay kusoo dhowaadaan Aston Villa oo kaalinta afraad ku jirta.
Son Heung-Min oo noqday hoggaamiyaha Tottenham markii uu kooxda ka tegay Harry Kane oo u wareegay Bayern Munich, ayaa shan gool dhaliyey lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, halka Liverpool uu ka dhaliyey lix gool 14 ciyaarood oo uu ka hor tegay.
Waxa kale oo uu Son Heung-Min shan gool kaga soo dhaliyey Jurgen Klopp waqtigii uu ahaa tababaraha Borussia Dortmund, waxaana u yaalla rikoodh ah in aanu waligii guul-darro kala kulmin koox uu Jurgen Klopp tababare u yahay isaga oo kusoo bilowday ciyaarta.
Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlay November 2021, ayaa waxa uu soo bandhigay sida uu uga qoomamoonayo in aanu la saxeexeanin Son Heung-Min, waxaanu yidhi: “Mid ka mid ah qaladaadkii ugu weynaa ee sameeyey noloshaydu waxa uu ahaa in aanan la saxeexanin Son Heung-Min. Waa ciyaartoy heersare ah, waa calaamadda reer Korea, waana mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan adduunyada.”
Waqtiga uu Jurgen Klopp ka hadlayo ee aanu ka faa’iidaysanin fursad uu kula saxeexan karayey Son Heung-Min waa sannadkii 2012 oo laacibkani uu doortay inuu u wareego Bayer Leverkusen waxaanu iska diiday kooxdii Klopp ee Borussia Dortmund.
Son Heung-Min oo isaguna ka hadlay arrintan ayaa yidhi: “Waxa aan doonayey in aan joogo horyaalka Bundesliga, Leverkusen iyo Dortmund labadba way i doonayeen. Labaduba waxa ay ciyaarayeen tartanka Champions League, laakiin Dortmund waxa ay ciyaartoydeeda ku samaynaysay isbeddello (boos joogto ah kama aanu helayn) marka loo eego Leverkusen.”
Si kastaba ha ahaatee, maanta ayaa iskugu dambaysa Son Heung-Min iyo Jurgen Klopp oo horyaalka Premier League isku arka, sababtoo ah waxa uu tababaraha reer Germany ka tegayaa Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaanu cafis weydiisan doonaa Klopp oo uu diiday inuu kooxdiisa ka mid noqdo 11 sannadood ka hor.