Kyle Walker oo xalay kabtan u ahaa England ayaa garoonka la galay seddexda caruur ay isku dhaleen isaga iyo xaaskiisa Annie Kilner.
Roman oo 11 jir ah, Riaan oo todoba jir ah iyo Reign oo shan jir ah uu la galay garoonka Wembley isagoo markii labaad abid kabtan u noqday wadankiisa.
Qoyskiisa oo dhan ayaana daawanayay ciyaarta oo ku sugnaa garoonka Wembley ee magaalada London laakiin waxa uu garoonka ku waaray kaliya 19 daqiiqo ka dib markii uu dhaawac muruqa bowdada ah soo gaaray.
Caruurtiisa uu garoonka la soo galay ayaa carro badan ku dhalisay dadka qaar gaar haan gabadhii ay saaxiibta ahaan jireen Lauryn Goodman taasoo u dhalisay labo caruur kale oo ay sheegtay inuu inkiray oo uu nolashiisa ka gooyay.
Lauryn ayaa waqti kooban xiriir la aheyd ciyaaryahanka sannadii 2019kii, waxayna isku dhaleen wiil lagu magacaabo Kairo bishii April 2020kii.
Lauryn ayaa sidoo kale dhashay gabar bishii July ee sannadkii hore, waxaana xanta ay aheyd in gabadhana uu dhalay Kyle Walker oo uu labada caruur aabo u yahay.
Bishii Janaayo ee sannadkan Lauryn waxay xaqiijisay in Kyle Walker uu aabe u yahay labada caruur ee ay dhashay.
Laakiin xiddiga Ingariiska ayaa inkiray oo noloshiisa ka gooyay labada caruur kale ee loo dhalay.