Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waxa ka maqnaanaya laba ciyaartoy oo afka hore ee weerarka ah kulanka adag ee toddobaadka dambe ay safarka ugu tegayaan Napoli lugta hore ee wareegga 16ka Champions League.
Barcelona oo ku jirta xilli-ciyaareed adag, isla markaana toban dhibcood ka dambaysa Real Madrid oo haysa hoggaanka horyaalka La Liga, ayaa waxa af-libaax ku jirtaa tartanka Champions League oo ay tahay inay meel iska saarto.
Xavi Hernandez ayaa kaliya ciyaartan guusha ka sugi doono Robert Lewandowski oo 35 jir ah. Lamine Yamal iyo Raphinha oo kasoo laabanaya dhaawac, halka ay koxoda ka maqnaanayaan labada weeraryahan ee Ferran Torres iyo Joao Felxi oo dhaawacyo u jiifa.
Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Ferran Torres iyo Joao Felix aanay wax fursad ah u haysanin inay taam u noqdaan ciyaartooda Napoli e e lugta hore ee tartanka Champions League.
Felix ayaa ah ciyaartoyga la filayay inuu kasoo kabto dhaawaca kuraanta ah oo markii hore aan la filayn inuu muddo dheer ku maqnaan doono, halka Ferran Torres oo muruqu uu dillaacay intii ay socotay ciyaartii Getafe ee usbuuc ka hor uu illaa laba usbuuc jiifayo.
Barcelona ayaase waxa usoo laaban doona garabka weerarka Brazil ee Raphinha oo ka garab ciyaari doona Robert Lewandowski, halka da’yarka Lamine Yamal uu isaguna taam yahay isaga oo waliba ciyaartii u dambaysay ee ay barbarraha galeen laba gool u dhaliyey.
Waxa kale oo usoo laaban doona Barcelona Sergi Roberto iyo Oriol Rameu oo taam u noqonaya ciyaarta Arbacada dambe ee Champions League ee lugta hore ee wareegga 16ka ee Napoli.