Liverpool ayaa 2-0 ku garaacda kooxda Real Madrid kulan ka tirsan Champions League oo ka dhacay garoonka Anfield.
Ciyaaryahan Alexis Mac Allister ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ee ciyaarta, waxaana uu hogaan ay u qalmeen uu siiyay Liverpool.
Kylian Mbappe ayaa helay fursad uu goolka barbaraha ku dhalin karay, waxaana qaybtii danbe ee ciyaarta gool ku laad ka badbaadiyay goolhaye Caoimhin Kelleher.
Mohamed Salah oo isna rigoore ka qasaariyay Liverpool, waxa uu caawiyay goolkii Cody Gakpo iyadoo xiddiga reer Holland uu dhaliyay goolka labaad ee Reds.
Niyad jabka ayaa ku sii kordhay Real Madrid, iyadoo Dani Ceballos uu jaale ku qaatay tartan adag oo uu kubadda kula galay daafaca Liverpool ee Conor Bradley.
Liverpool tababaraheeda Arne Slot ayaa xoojistay khadka dhaxe, iyadoo Szoboszlai lagu bedelay Curtis Jones.
Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0 oo ay Real Madrid ku badisay, waxaana Slot uu sii dheereystay rikoorkiisa guulaha xiriirka ah ee Liverpool.
Kulanka waxaa ka baranay laba arin oo Real Madrid culeys ku ah haddii aysan xal u helin.
1. Real Madrid fashilka weerarka
Real Madrid ayaa ku fashilantay in ay diwaan gashato hal darbo oo bartilmaameed ah qaybtii hore ee ciyaartii ka dhacday Anfield.
Waa rikoor xun oo ka tarjumaya sida Real Madrid isku xirkii koox ahaan uu kaga lumay.
2. Mbappe waa ka dhamaatay
Weeraryahankan Real Madrid Mbappe ayaa u muuqda mid ay ka dhamatay kadib fashilkii qabsaday caawa.
Ninka reer France ayaa lumiyay rigoore koxdiisa goolka barbaraha ah ku heli kartay, mana jirin wax fursad ah oo uu abuuray intii ciyaartu soctay.