Mid ka mid ah awoodaha Liverpool waa inaysan isku dhex yaacin marka ay wajahayaan xaalad adag, sidaas ayayna muujiyeen kulankii ay guusha soo laabashada ee 2-1 ka gaareen Brighton.
Iyadoo taageerayaashooda ay dareemayaan cadaadis badan kulankii galabta, kooxda Klopp ayaa awoodooda isagu geeyay inay cadaadis saaraan daafaca adag ee Brighton, waxayna heleen 30 darbo ka dib markii hogaanka laga qabtay daqiiqadii 2aad ee ciyaarta.
Waxaa haatan soo martay 27 kulan oo Premier League ah oo aan looga badinin Anfield tan iyo markii ay guuldarro ka soo gaartay Leeds bishii October 2022kii. Xaqiiqdiina waxay aheyd inay goolal badan ku badiyaan kulankii maanta.
Laakiin waxay ku faraxsanaan doonaan in shan ka mid ah sagaalka kulan ee u haray horyaalka inay ku ciyaarayaan gurigooda. Taasoo muhiim u ah tartanka horyaalka ee ay kula jiraan Arsenal iyo Manchester Coty.
XIDDIGA GAROONKA: ALEXIS MAC ALLISTER (LIVERPOOL)
Ciyaartooy badan ayaa u qalantay abaalmarintaan iyadoo Conor Bradley, Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz ay dhamaantood qaab ciyaareed cajiib ah u soo bandhigeen kooxda Klopp, laakiin xiddigii hore ee Brighton MAc Allister ayaa khadka dhexe wacdarro ka dhigay isagoo si weyn u koontaroolay ciyaarta, wuxuuna caawiye ka aha agoolkii guusha ee Salah uu ka dhaliyay kooxdiisa hore.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Liverpool: Kelleher 6, Bradley 8, Quansah 7, Van Dijk 7, Gomez 7, Mac Allister 8, Endo 7, Szoboszlai 7, Salah 8, Nunez 7, Diaz 7
Bedel: Gakpo 6, Elliott 6, Gravenberch 6
Brighton: Verbruggen 8, Lamptey 6, Van Hecke 7, Dunk 8, Estupinan 6, Gross 6, Veltman 6, Moder 6, Baleba 6, Adingra 8, Welbeck 7
Bedel: Lallana 6, Barco 6, Ferguson 6, Buonanotte 6