Kobbie Mainoo waxa uu ka ciyaaray saddex boos oo kala duwan ka hor inta aanu noqonin xiddig khadka dhexe ah.
Mainoo waxa uu noqday mid ka mid ciyaartoyda ugu muhiimsan ee Manchester United xilli-ciyaareed-kan kadib soo-bandhiggiisii wacnaa ee sanadkii hore.
18-sano jirkaan ayaa saftay 17 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay labo gool – oo ay ku jirto goolkii guusha ee uu ka dhaliyay Wolves bishii hore.
Waxa uu ka ciyaaray bartamaha garoonka isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed ay ka muuqato qaan-gaadhnimo uu ku caawiyay kooxdiisa.
Laakiin Mainoo mar walba ma ahayn khad dhexe isaga oo daaha ka qaaday inuu ka soo ciyaaray seddex boos kale markii uu yaraa.
Waxa uu safarkiisa kubada cagta ka bilaabay booska gooldhaliyaha ama weeraryahanka, ka dib wuxuu ka soo ciyaaray booska No.10, waxa uu sidoo kale ka ciyaaray garabka.
“Dad badan ma oga inaan ahaan jiray weeraryahan,” ayuu yiri. “Markii aan yaraa waxaan ahaan jiray weeraryahan, ka dibna No.10 ka dib garab, dhawaan ayay ahayd markii aan soo galay booska saxda ah ee khadka dhexe.”