Barcelona ayaa raadineysa saxiixeedii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka 2025/26, iyadoo hadda dib u dhis xoogan lagu sameyn doono kooxda Hansi Flick.
Jonathan Tah ayaa loo doortay inuu ku biiro kooxda Camp Nou ka dhisan ee Bayer Leverkusen, waxaana hubaal ah inuu noqon doona saxiiaa ugu horeeya sida ay Mundo Deportivo warisay.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka Tah, oo 29 jir ah, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona, kuwaas oo mar kale la saxiixanaya ciyaartooyda bilaashka ah suuqa xagaaga.
Isagoo la hadlayay majalada Sport, agaasimaha isboortiga Deco ayaa yiri: “Waxaa jira xiiso badan oo aan u qabno suuqa xagaaga si aan u saneyno saxiixyo dheeri ah.
Mundo Deportivo ayaa sheegtay in wax walba ay ku dhow yihiin in la dhameystiro si daafaca Jarmalku ugu biiro Barcelona.
Barcelona ayaa sidookale dooneysa in ay xoojiso qeybta weerarka, waxaa lala xiriirinayaa Isak iyo magacyo kale oo badan.