Manchester United ayaa ka dhigtay weeraryahan ka mid ah kuwo ay dooneyso Arsenal mudnaanta ugu sareeya xagaagan, iyadoo Ruben Amorim uu doonayo inuu ku xoojiyo kooxdiisa.
Kaliya afar kooxood ayaa dhaliyay in ka yar 28 gool oo ay Man United kujirto 24 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, iyadoo weeraryahanada Joshua Zirkzee iyo Rasmus Hojlund ay min shan jeer shabaqa soo taabteen.
Amorim ayaa qirtay todobaadkan in uu rajaynayo in ay labada xiddig helaan kalsooni ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin The Athletic ayaa ku warameysa in United ay u badan tahay in ay xal deg deg hesho suuqa xagaaga.
United waxa ay dooneysaa inay hesho weeraryahan dhexe oo ku habboon nidaamka Amorim sida Viktor Gyokeres, kaasoo si weyn u garanaya tababaraa reer Portugal oo uu kula shaqeeyay Sporting Lisbon.
United ayaa sidookale isha ku heysa bartilmaameedka suuqa Arsenal ee Benjamin Sesko, iyadoo labada koox ee ka dhisan Premier League ay doonayaan in ay dalab ugudbiyaan weeraryahanka RB Leipzig xagaaga.
Xiisaha Arsenal ee Sesko, waxaa hadda caqabad muuqda ku noqon kara tababare Amorim oo ka codsanaya maamulka Man United saxiixa weeraryahanka halista badan ee Jarmalka ka ciyaara.