Kylian Mbappe ayaa dhaleecayn kala kulmay taagerayaasha xulkiisa Faransiiska, kadib markii uu kasoo muuqan waayey xidigaha ku meteleya xulka Faraniiska ciyaaraha qaramada, isaga oo kusoo bilowday ciyaartii kooxdiisa Madrid guusha 2-0 ah kaga gaadhay Villareal, isaga oo 25 jirkani isku dayaya inuu helo qaabciyaareedkiisi ugu fiicnaa.
Sida laga soo xiganayo Cadena SER Mbappe ayaa heshiis kula galay tababaraha xulka Faransiiska Didier Deschamps inuu la sii joogo kooxdiisa Real Madrid si uu ugu soo noqdo qaabkiisa ugu fiican.
Mbappe ayaa isbuucan la joogaya tabararaha Real Madrid ee taam ahaanshaha Antonio Pintus si uu u helo taam ahaanshiyo buuxa.
11-ka kulan ee ilaa hada uu u ciyaaray kooxda Real Madrid, Mbappe ayaa ku lug yeeshay 7 goal iyo 1 caawin, laakiinsee uu dareemayo inaanu weli u ciyaaraynin qaabkiisi ugu fiicnaa, xili Real Madrid ay wajahayso kulamo muhiim ah xulalka kadib, Celta Vigo oo horyaalka ah ka hor inta aanay la ciyaarin Borrusia Dortmund iyo Barcelona.
Iyadoo la xasuusto in Mbappe uu gebi ahaanba seegay kulamadii isku diyaarinta xili-ciyaareedka ee Madrid isaga oo iska dhamaystay fasaxiixa kadib EURO, isaga oo kusoo laabtay waxyar ka hor uun ciyaarista UEFA Super Cup, Mbappe ayaa dhaawacyo ku seegay qaybo ka mid ah kulamadii Lille iyo Villareal.