Xiddiga PSG Kylian Mbappe ayaa lagu waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Arsenal sababo la xiriira hal ciyaaryahan dartiis.
Xilli ciyaareedyadii ugu danbeeyay Mbappe waxaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo garoonka Parc des Princes.
Si kastaba, kooxda Faransiiska ayaa ku guuleysatay inay Mbappe ka ceshato Real Madrid 2022kii iyagoo ka saxiixay qandaraas cusub.
Bishii la soo dhaafay waxaa si weyn loo warinayay in Liverpool ay noqotay kooxda ugu dhow ee la wareegi karta Mbappe.
Si kastaba, tan iyo waqtigaas waxaa la isku raacay in Mbappe uu u wareegayo Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Wargeyska Ingariiska ee The Independent, ayaase war cusub keenay iyagoo sheegay in Mbappe uu diyaar u yahay inuu ku biiro Arsenal.
Warbixintooda waxay ku yiraahdeen: “Kooxda Faransiiska waxay mar kale dareemeysaa ixtiraam darro madama wakiilada Mbappe ay sannadkii hore xiriir la sameeyeen Liverpool balse madaxda Anfield ay diideen inay wax dalab ah ka soo gudbiyaan. Ma aysan dooneynin inay u jabiyaan dhaqaalahooda. Si la mid ah waxaa booskaas ku jirta Arsenal oo uu Mbappe diyaar u yahay inuu ku biiro.
“Waxaana taasi sabab u ah inuu tusaale ka dhigto oo uu raaco Thiery Henry. Ixtiraamka iyo halyeeynimada uu u hayo ayaana ah mid hageysa waayahiisa ciyaareed.”
The Independent ayaa aaminsan in Henry dartiis uu Mbappe diyaar u yahay inuu ku biiro Arsenal balse Gunners sida Liverpool aysan awoodin dhaqaale ahaan inay soo xerogeliso xiddiga Faransiiska.