Ciyaartii Axadda ee horyaalka Holand ee dhex mari lahayd kooxaha Feyenoord iyo Ajax ayaa dib loo dhigay,ka dib markii ay shaqo joojin sameeyeen booliska Netherlands.
Askar bilays ah ayaa lagu dhaawacay rabshado ka dhacay ciyaar dhexmartay kooxaha bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.
Taageerayaasha gurigooda lagu ciyaarayay ayaa ku tuuray garoonka Ajax stadium ee magaalada Amsterdam holacya iyo rashka kadib markii ay Feyenoord 3-0 ku hogaamineysay ciyaarta, waxaana la joojiyay ciyaarta 56 daqiiqo kadib.
Ciyaarta ayaa ugu danbeyn la soo gaba gabeeyay seddex maalmood ka dib iyadoo albaabadu u xirnaayeen.
Booliisku waxay sheegeen inaysan ka shaqayn doonin ciyaarta Axadda taasoo qayb ka ah ololaha socda ee la xidhiidha howlgabkii ay kal hore ku dhawaaqen.
Kulanka loo yaqaano’Klassieker’ ayaa lagu waday inuu ka dhaco garoonka De Kuip ee magaalada Rotterdam.
Laakiin duqa magaalada, Ahmed Aboutaleb, ayaa yiri: “Amniga ciyaartoyda, laakiin sidoo kale dadweynaha, si ku filan looma damaanad qaadi karo iyadoo aan la isticmaalin booliiska.”
Taageerayaasha martida ah ayaa laga mamnuucay inay ka soo qeyb galaan ciyaaraha labada dhinac ee Rotterdam muddo dhowr sano ah ka dib dhacdooyin hore oo khalkhal gelin ah.
Feyenoord waxa ay sheegtay in ay “fahmeen in dadku ay u istaagaan qadiyadooda, balse ay ka xun yihiin in kubada cagta, aysan ahayn markii ugu horeysay, loo isticmaalo qalab ahaan”.