Seddexda kooxood ee ku tartamaya hanashada horyaalka Premier League, waxaa kala saarta kaliya labo dhibcood, iyadoo tartanka horyaalka uu xilli ciyaareedkan ka dhaxeeyo kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Arsenal.
Muddo sannado ah lama arkin tartanka Premier League oo seddex kooxood ay sidaan isagu dhow yihiin iyadoo 11ka kulan ee ka harsan xilli ciyaareedka ay noqon doonto mid xiiso iyo xamaasad leh. Hadaba waxaan eegi doonaa kulamada u haray mid kasta oo ka mid ah seddexdaan kooxood.
LIVERPOOL
Marka la eego kulamada u haray Liverpool, waxaa lagu doodi karaa inay ka fursad fiican yihiin kooxaha kale ee la xafiiltamaya. 11ka kulan ee u hartay Reds, waxay kaliya la ciyaarayaa lix kooxood oo ka mid ah 10ka kooxood ee ugu sareeya horyaalka, iyadoo seddex ka mid ah kulamadaas ay marti yihiin, waana in ka yar kooxaha kale ee City iyo Arsenal.
Waxay sidoo kale faa’ido u heystaan inay martigelinayaan Manchester City kulankooda soo socda, iyadoo Anfield ay u noqon karto mid door muhiim ah ka ciyaarta inay sii dheereystaan hogaankooda horyaalka.
Kulamada kale ee muhiimka ah waxay u safrayaan Everton iyo Man United halka kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka ay la dheelayaan Wolves. Inkastoo aysan jirin kulan sahlan horyaalka Premier League, hadana taageerayaasha Liverpool ayaa ku faraxsan kulamada u haray marka loo eego labada kooxood kale.
Kulamada U Haray Liverpool | |||
---|---|---|---|
Taarikh | Kooxda Ay La ciyaarayaan | Kaalinta Ay Ku Jiraan | Minan ama Marti |
10/3/24 | Manchester City | 2aad | Minan |
Dib Ayaa Loo Dhigay | Everton | 16aad | Marti |
31/3/24 | Brighton | 9aad | Minan |
3/4/24 | Sheffield United | 20aad | Minan |
6/4/24 | Manchester United | 6aad | Marti |
13/4/24 | Crystal Palace | 14aad | Minan |
20/4/24 | Fulham | 12aad | Marti |
27/4/24 | West Ham United | 7aad | Marti |
4/5/24 | Tottenham | 5aad | Minan |
11/5/24 | Aston Villa | 4aad | Marti |
19/5/24 | Wolves | 10aad | Minan |
ARSENAL
Inkastoo ay guulo waa weyn oo isku xigxiga ay gaarayaan, hadana kulamada u haray Arsenal marka la eego waa kuwa adag gaar ahaan kulamada ay martida noqonayaan.
Lix kulan ayay la ciyaarayaan kooxaha ku jira 10ka kaalimood ee ugu sareeya horyaalka iyadoo shan ka mid ah kulamadaas ay marti yihiin. Waxaa ka mid ah kulanka ay u safrayaan Etihad Stadium halkaasoo ay ku kufeen xilli ciyaareedkii hore markii ay ku hungoobeen hanashada horyaalka.
Waxaa sidoo kale u harsan inay safar ku tagaan Old Tarfford oo ah garoonkii ay guuldaradoodii ugu horeysay ee Premier League kala kulmeen xilli ciyaareedkii 2022/23. Tottenham oo ay xafiiltamaan ayay sidoo kale u safrayaan kulamada ugu danbeeya xilli ciyaareedka.
Haddii ay doonayaan inay hantaan koobka horyaalka, Arsenal waxay u baahan tahay inay ka fogaato ku celiska natiijooyinkaas. Haddii ay sidaas sameeyaan, waxay kulankooda ugu danbeeysa xilli ciyaareedka ee Everton ay Emirates Stadium galayaan, iyagoo goob joog u noqonaya wax aan weli ka dhicin garoonkaas oo ah inay kor u qaadaan Premier League.
Kulamada U Haray Arsenal | |||
---|---|---|---|
Taariikh | Kooxaha Ay La Ciyaarayaan | Kaalinta Ay Ku Jiraan | Minan ama Marti |
9/3/24 | Brentford | 15aad | Minan |
Dib ayaa loo dhigay | Chelsea | 11aad | Minan |
30/3/24 | Manchester City | 2aad | Marti |
2/4/24 | Luton Town | 18aad | Minan |
6/4/24 | Brighton | 9aad | Marti |
13/4/24 | Aston Villa | 4aad | Minan |
20/4/24 | Wolves | 10aad | Marti |
27/4/24 | Tottenham | 5aad | Marti |
4/5/24 | Bournemouth | 13aad | Minan |
11/5/24 | Manchester United | 6aad | Marti |
19/5/24 | Everton | 16aad | Minan |
Manchester City
City waxay la ciyaareysaa todoba ka mid ah 10ka kooxood ee haatan ugu sareeya horyaalka Premier League. Laakiin faa’idadooda ayaa ah in kaliya seddex ka mid ah kulamadaas ay marti yihiin si la mid ah Liverpool. Waxay u safrayaan Brighton, Tottenham iyo dabcan Liverpool.
Marka dusha laga eego kulamo adag ayay wajahayaan laakiin City waxay heystaan ciyaartooy awood u leh inay guulo isku xigxiga gaaraan, iyaga ayaana weli ugu cadcad horyaalka.
Kulamada soo socda, waxay Man City wajaheysaa Liverpool iyo Arsenal oo isagu xiga. Kulan Brighton ah ayaa u dhaxeyn lahaa labadaas kulan ee waa weyn, laakiin madaama ay City ka qeyb galeyso FA Cup dib ayaa loo dhigay kulankaas. Guushooda iyo guuldaradooda labada kulan ee Liverpool iyo Arsenal ayaa qeexi doona xilli ciyaareedka Man City.
Kulamada U Haray Manchester City | |||
---|---|---|---|
Taariikh | Kooxaha ay la ciyaarayaan | Kaalinta ay ku jiraan | Minan ama Marti |
10/3/24 | Liverpool | 1aad | Marti |
Dib ayaa loo dhigay | Brighton | 9aad | Marti |
30/3/24 | Arsenal | 3aad | Minan |
3/4/24 | Aston Villa | 4aad | Minan |
6/4/24 | Crystal Palace | 14aad | Marti |
13/4/24 | Luton Town | 18aad | Minan |
20/4/24 | Tottenham | 5aad | Marti |
27/4/24 | Nottingham Forest | 17aad | Marti |
4/5/24 | Wolves | 10aad | Minan |
11/5/24 | Fulham | 12aad | Marti |
19/5/24 | West Ham United | 7aad | Minan |