Zinedine Zidane ayaa qirtay inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto shaqada tababarenimada, iyadoo lala xidhiidhinayo kooxo waaweyn oo uu hore taariikh ugu lahaa iyo kuwo kale oo hadda doonaya inuu safkooda hoggaamiyo.
Zidane ayaan wax shaqo tababarenimo ah qabannin tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2021, waqtigaas oo ay u ahayd markiisii labaad ee uu layliyo Los Blancos, waxaana waqtigiisa labaad uu u qaaday horyaalka LaLiga, halka doorkii horena uu la qaaday saddex Champions League, laba FIFA Clup World Cup, horyaalka LaLiga, Copa del Rey iyo koobab kale oo uu ku jiray Spanish Super Cup.
Illaa hadda, Los Blancos ayaa ah kooxda kaliye ee uu Zinedine Zidane tababaraha u noqday, waxaana isugeyn uu layliyey shan sannadood marka la iskugu daro labadii waqti ee kaladuwanaa, isaga oo ah tababaraha labaad ee ugu guulaha badan taariikhda kooxda marka laga eego dhinaca koobabka.
Real Madrid ayaa la sheegay inay doonayso inuu Zinedine Zidane u beddelo Carlo Ancelotti oo dhowaan saxeexay heshiis laba sannadood ah, laakiin ZIZOU ayuu waqtigaasi ku fog yahay waxaanay u badan tahay inuu naadiyo kale kasoo muuqan doono.
Bishan February, kooxda horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa la sheegay inay la xidhiidhay Zidane oo ay u bandhigtay inuu u beddelo Max Allegri marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.
Waxa kale oo lala xidhiidhinayaa kooxda horyaalka Germany ee Bayern Munich oo dhowaan shaacisay inuu dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doono Thomas Tuchel oo sannad ka hor xilkaas la wareegay.
Si kastaba, Zidane oo la hadlay warbaahinta DAZN ayaa isaguna shaaciyey inuu dib ugu soo noqonayo tababarenimada, waxaanu yidhi: “Hadda ma hayo shaqo tababarenimo, laakiin dhowaan waan soo laaban doonaa.”
Mar la weydiiyey Juventus oo uu u ciyaari jiray ama kooxaha Talyaaniga waxa uu ku jawaabay: “Maxaa ii diidaya, wax walba way dhici karayaane. Waan jecelahay in aan tababare ka noqdo Talyaaniga mar uun.”