Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabanaya shaqada tababarka oo uu ka maqnaa muddo laba sannadood iyo badh ah, taas oo ay ugu dambaysay xagaagii 2021 markaas oo uu ka tegay Real Madrid.
Zinedine Zidane oo ganafka ku dhuftay shaqooyin badan, ayaa hore loo sheegay in kaliya uu doonayo inuu layliyo xulka qaranka France laakiin xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ayaa heshiiska u kordhiyey Didier Deschamps iyadoo waliba Madaxweynaha xidhiidhka Faransiisku uu aflagaaddeeyey Zidane, ka hor intii aan la eryin.
Sida ay ku warramayaan warbaahinta waddanka Jarmalka, kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa inay la xidhiidho Zidane oo ay doonayaan inay ku beddelaan Thomas Tuchel oo ay xaaladdiisu adag tahay, isla markaana halis ugu jira in shaqada laga caydhiyo kaddib markii Bavaria laga badiyey saddex ciyaarood oo xidhiidh ahaa.
Bayer Leverkusen ayaa ku aftaxday guul-darro culus isla markaana siddeed dhibcood dhaaftay, waxaana ugu xigay Lazio iyo Bochum oo intuba min saddex dhibcood ka qaatay, waxaanay taasi keentay in Munich ay suuqa u gasho raadinta tababare cusub.
Zinedine Zidane ayaa la sheegay in wada-hadal bilow ah ay la yeelatay Bayern Munich, isla markaana uu halyeyga reer France soo dhoweynayo inuu tago Allianz Arena sababtoo ah waxa jooga kooxdaas ciyaartooyo waaweyn, halka Munich ay iyaduna ku qanacsan tahay khibradda iyo saamaynta uu leeyahay Zidane.