Supercomputer ayaa mar kale soo saaray saadaal cusub oo horyaalka Premier League ah kaddib markii ay Arsenal si buuxda ula wareegtay hoggaanka, isla markaana kaalmaha labaad iyo saddexaad ay iskula dhaceen Liverpool iyo Manchester City oo barbarro 1-1 ah dhibcaha ku qaybsaday Axaddii.
Arsenal ayaa guuleysatay dhamaan siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, kamana muuqato astaan muujinaysa inay dhibco luminayaan iyadoo toban kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayay Arsenal soo bandhigaysay guulo waaweyn, iyaga oo noqday kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee saddex ciyaarood oo isku xiga oo ay marti yihiin dhaliya min shan gool iyo ka badan.
Wali kulamo adag oo ay ku jiraan Manchester City iyo Tottenham ayaa u hadhsan Arsenal, laakiin Supercomputer oo saadaal cusub sameeyey ayaa waxa uu sheegay in Gunners ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League.
Inkasta oo ay tahay usbuucii labaad oo xidhiidh ah, haddana Supercomputer oo adeegsanaya qaaciidada xisaabeed ee BETSiE ayaa waxa uu sheegay, in Arsenal ay 22 dhibcood ka xoogsan doonto tobanka kulan ee u hadhsan taas oo ka dhigan inay siddeed dhibcood lumin doonaan. In ay toddoba ka mid ah tobankaas ciyaarood guuleysato Arsenal, waxa ay siin karaysaa horyaalka, sida uu Supercomputer sheegay.
Waxa ay Arsenal horyaalka ku qaadi doontaa 86 dhibcood, sida saadaashu sheegayso balse waxay isku mid noqon doonaan Liverpool oo ay haddaba isku dheggen yihiin oo ay farqiga goolasha kaga sarrayn doonto.
Manchester City ayaa saddexaad ku dhamaysan doonta, waxaanay laba dhibcood ka dambayn doontaa Arsenal iyo Liverpool, halka afarta sare ay soo buuxinayaan Aston Villa oo toban dhibcood ka sarrayn doonta Manchester United oo lixaad ku dhamaysanaysa, halka Tottenham ay noqon doonto kooxda kaalinta shanaad.
Supercomputer ayaa waxa kale oo uu niyad-jab ugu bushaareeyey Chelsea oo uu sheegay inay kaalinta siddeedaad ku dhamaysan doonto.
Heerka labaad ayay u dhici doonaan saddexda kooxood ee Sheffield United, Burnley iyo Luton Town.
Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer: