Labada halyeey ee Real Madrid, Predrag Mijatovic iyo Jorge Valdano, ayaa dhaleeceeyay Carlo Ancelotti ka dib guuldaradii 3-1 ee ay kooxdu ka soo gaartay AC Milan Champions League. Guuldaradan, ayaa timid ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqday Barcelona El clasico dii, taasoo keentay in Ancelotti lagu eedeeyo maamul xumo.
Ancelotti qudhiisa ayaa qirtay inuu “ka walwalsan yahay” xaalada, iyadoo niyad jabka taageerayaasha ay soo shaacbaxday ayadoo foori fowdo ah laga maqlay agagaarka Bernabeu.
Mijatovic ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo halganka Real Madrid, isagoo soo jeediyay in kooxda laga yaabo inay ku qanacsan tahay guulihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan koobab badan oo Champions League ah. Waxa uu aaminsan yahay in Ancelotti laga yaabo inuu waayo awood uu ku soo nooleeyo oo uu dib ugu kiciyo ciyaartoyda. Intaa waxaa dheer, Mijatovic wuxuu xusay is-afgarad la’aan ka dhex jirta kooxda, iyadoo dhowr ciyaartoy la sheegay inaysan ku faraxsanayn waqtiga ciyaarta oo xaddidan awgeed.
Valdano, oo ah khabiir kubbadda cagta Isbaanishka ah oo la ixtiraamo, ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ancelotti qaab ciyaareedka liita ee kooxda. Waxa uu carabka ku adkeeyay in nidaam la’aanta garoonka ay saameyn ku yeelatay guulaha kooxda. Valdano ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda sidoo kale ay tahay in lala wadaago kuwa dhisay koox hadda la ildaran dheelitir la’aan, taasoo ah arrin muhiim ah oo saameyneysa waxqabadkooda.
Valdano ayaa khadka dhexe ku tilmaamay daciifnimo wayn tan iyo bixitaankii Toni Kroos. Waxa uu sharaxay in saameynta Kroos la dhayalsaday, maadaama joogistiisa ay sababi jirtay isku dheelitirnaan iyo koontarool lama huraan u ah kooxda. Maqnaanshiyaha Kroos, ayuu Valdano ku dooday, inay lumisay boos weyn oo aan la buuxin, xitaa tayada heerka caalami ee haatan kooxda.
Guud ahaan labada halyeey ayaa isku raacay in Real Madrid ay wajaheyso caqabado halis ah, iyadoo Mijatovic uu shaki galiyay awooda Ancelotti uu ku xalin karo arimaha, Valdano ayaana hoosta ka xariiqay isku dheelitir la’aanta kooxda. Naqdintu waxay ka tarjumaysaa welwelka sii kordhaya ee ku saabsan maamulka Ancelotti iyo dhibaatooyinka qaabdhismeedka ballaaran ee kooxda.