Arsenal, Wolves iyo Brighton ayaa ka mid ah kooxaha ay sida xun u saameysay go’aanada qaldan ee VAR xilli ciyaareedkan, laakiin waxaa jirta hal koox oo afar jeer ay VAR ku jiifatay sida lagu sheegay warbixin cusub.
VAR waa mid ka mid ah mowduucyada ugu hadal heynta badan kubada cagta iyadoo teknooloojiyadaan ay mararka qaar sameyso qaladaad wax ka bedela natiijada ciyaarta.
Xilli ciyaareedkan waxaa durbaba dhacay qaladaad waa weyn oo ay VAR sameysay isaga go’aankii lagu diiday goolkii Luis Diaz uu ka dhaliyay Tottenham ee bishii September iyadoo markii danbe la ogaaday in Diaz uusan offside aheyn.
Garsoorayaasha Premier League ayaa haatan loo ogolaan doonaa inay taageerayaasha u sharaxaan go’aanada VAR laga bilaabo xilli ciyaareedka socda.
Hal koox oo si weyn loogu jiiftay xilli ciyaareedkan islamarkaana VAR ay ka hiilisay tiro afar jeer ah waa Liverpool oo ay ku jirto goolkii Diaz ee laga diiday ee saxda ahaa.
Liverpool waxaa ku xiga Brighton iyo Wolves oo min seddex jeer ay VAR ka hiilisay halka Arsenal ay seddexaad ku jirto oo labo jeer lagu qaldamay.
Ilaa sideed kooxood ayaa dhibane u noqday hal go;aan qaldan oo VAR ay sameysay xilli ciyaareedkan taasoo la micno ah in ka badan kala bar kooxaha horyaalka inay dhibane u noqdeen VAR