West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay si lama filaan ah wadahadalo u gashay tababare Ruben Amorim si uu u bedelo tababare David Moyes oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaagan.
Tababaraha Sporting Lisbon ayaa si xoogan loola xiriirinayay Liverpool si uu u bedelo Jurgen Klopp oo shaqada ka tagaya xagaagan, laakiin waxay haatan u muuqataa mid aan suurtogal aheyn.
Mustaqbalka Moyes ee West Ham ayaa shaki weyn uu ku jiraa ka dib markii ay si xun ku bilowdeen sannadkan 2024, iyadoo laga badiyay 12 kulan oo Premier League ah sannadkan kaliya.
West Ham ayaa ku dhameysatay kaalinta 14aad xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin Moyes ayaa ku hogaamiyay koobkoodii ugu horeeyay ee Yurub ee tan iyo 1965kii, isagoo u qaaday Europa Conference League, taasoo keentay inay u soo baxaan Europa League.
West Ham ayaa rajeyneysay inay horumar intaas ka badan ay sameyn doonaan xilli ciyaareedkan, balse seddex kulan oo ay badiyeen horyaalka sannadkan 2024, waa ay adag tahay inay u soo baxaan tartamada Yurub.
Sida ay sheegtay The Athletic, West Ham ayaa isku diyaarineysa inay hesho tababare cusub, iyagoo durba wadahadalo kula jira Amorim.
39 jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tababarayaasha ugu xiisaha badan Yurub, waxayna West Ham u noqon doontaa afganbi weyn haddii ay la soo saxiixdaan.
West Ham ayaa awoodeeda isagu geyneysa soo xerogelinta Amorim iyadoo la sheegay in tababaraha Sporting Lisbon uu isna sidoo kale jecel yahay fursada loo soo bandhigay.