Kooxda Leicester City oo ugu cadcad inay dib u soo laabato Premier League xilli ciyaareedka soo socda ayaa wajaheysa in dhibco laga jaro ka hor inta uusan xilli ciyaareedka bilaabanin taasoo la micno ah inay xilli ciyaareedka cusub bilaaban doonaan iyagoo dhibco lagu leeyahay.
Leicester ayaa haatan seddex dhibcood ku hogaamineysa horyaalka heerka labaad ee Championship iyagoo ka sareeya kooxda Ipswich Town.
Leicester ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dhacday horyaalka Premier League, laakiin waxay qarka u saaran yihiin inay si degdeg ah ugu soo laabtaan.
Laakiin waxay waji karaan in dhibco laga jaro xilli ciyaareedka soo socda madaama ay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga Premier League.
Sida Everton iyo Nottingham Forest ayay Leicester City qasaartay in ka badan 110 milyan ginni xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin madaama Everton laga jaray lix dhibcood islamarkaana Nottingham ay qarka u saaran tahay in iyadana la ciqaabo, Leicester ayaa ciqaab ka badbaaday madaama ay heerka labaad ka ciyaarayaan.
Laakiin marka ay dib ugu soo laabtaan Premier League, waxay wajihi doonaan ciqaab la mid ah tan ku dhacday Everton oo markii hore 10 dhibcood laga jaray balse racfaan ay qaateen ganaaxooda laga dhigay lix dhibcood.
Waxay taasi la micno tahay in haddii Leicester City ay u soo dalacdo Premier League inay xilli ciyaareedka soo socda ku bilaaban doonto iyadoo dhibco lagu leeyahay taasoo halis gelin doonta sii joogitaankooda horyaalka.