Kooxda kubadda cagta Liverpool waxay garoonkeeda Anfield kusoo dhoweynaysaa Newcastle United kulan adag oo ay kusii dheeraysan karayso hoggaanka horyaalka Premier League ee ay haddaba hayso.
Klopp oo afar isbeddel ku sameeyey shaxdii uu ku garaacay Burnley toddobaadkii hore, ayaa waxa uu dib usoo celiyey Ibrahima Konate, Curtis Jones, Dominic Szoboszlai iyo Luis Diaz, halka uu taam soo noqday Alexis Mac Allister oo uu kursiga kaydka fadhiyo.
Tababare Jurgen Klopp ayaa kusoo galay shax adag oo ay hoggaaminayaan Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz, iyadoo khadka dhexena ay Dominik Szoboszlai labada ciyaartoy ee Wataru Endo iyo Curtis Jones.
Newcastle United ayaa waxa safkeeda ka maqan Trippier oo uu beddelay Tino Livramento, halka uu dib usoo laabtay Joelington oo isaguna booska kala baxay Miguel Almiron, iyadoo Cllum Wilson uu ku maqan yahay dhaawac.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Gomez, Szoboszlai, Endo, Jones, Salah, Nunez, Diaz.
Kaydka: Kelleher, Mac Allister, Gakpo, Elliott, Diogo Jota, Gravenberch, McConnell, Quansah, Bradley.
Newcastle XI: Dubravka, Livramento, Schar, Botman, Burn, Miley, Guimaraes, Longstaff, Joelinton, Gordon, Isak.
Kaydka: Karius, Gillespie, Dummett, Lascelles, Ritchie, Krafth, Hall, Almiron, A Murphy.