Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa toban ciyaartoy oo kooxdiisa ah ka mamnuucay inay taabtaan calaamadda kooxdaas ee ‘This is Anfield’ ee ku taalla gudaha garoonka Anfield, taas oo ay ciyaartoyda kooxdu sii taabtaan marka ay garoonka sii gelayaan.
Calaamadda garoonka ku taalla ee ‘This is Anfield’ ayaa ka mid ah taariikhaha ay kooxdu ilaaliso, taas oo taageereyaashana u ah dhiirigelin iyo inay yihiin sirta ay kooxdoodu ku socoto.
‘This is Anfield’ waa qoraalka iyo calaamadda ugu dambaysa ee ay ciyaartoydu sii arkaan marka ay gelayaan garoonka ee ay ciyaartu bilaabmayso, waxaana jira dhaqan muddo dheer ay kooxdu ilaalinaysay oo ah in ciyaartoydeedu ay sii taabtaan, laakiin waxa loo diiday 10 laacib oo uu hormood u yahay Darwin Nunez.
50 sannadood ka hor ayaa calaamaddan lagu dhejiyey garoonka, waxaanay ahayd waqtigii tababare Bill Shakly, kaas oo markii uu sharraxayay sababta calaamaddan loogu dhejiyey yidhi: “Tani waxay xasuusinaysaa wiilashayada in aanu calaamaddan u ciyaarayno, kuwa naga soo horjeedana waxa ay xasuusinaysaa cidda ay yihiin kuwa ay la ciyaarayaan!”
Sannadkii 2016kii ayaa soo rogay dhaqan kale oo cashiib ahaa oo uu ciyaartoydiisa ugu diiday inay taabtaan calaamaddan, waxaana uu yidhi: “Waxa aan u sheegay ciyaartoyda in aanay taaanin calaamadda ‘This is Anfield’ illaa inta aanu koob ku guuleysanayno.
“Waa calaamad ixitraam, waxa aan taabtay markii aan tababaraha u ahaa Borussia Dortmund waxaana la nagaga badiyey 4-0.”
Liverpool kuma aanay guuleysanin wax koobab ah tan iyo sannadkii 2022 oo ay rikoodheyaal kaga badiyeen Chelsea finalkii FA Cup, waxaana Jurgen Klopp uu u diiday in ay calaamaddan taabtaan ciyaartoydii kooxda yimid intii ka dambaysay guushaas, waxaana ku jira Darwin Nunez oo ay £85 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Benfica kaddib guushii FA Cup.
Ciyaartoyda kale ee mamnuuca ay ka tahay inay taabtaan calaamaddan illaa inta ay koobab kooxda kula guuleysanayaan waxa ka mid ah Cody Gakpo iyo da’yarka Stefan Bajcetic. Sidoo kale, saxeexyadii cusbaa ee Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo, Ryan Gravenberch iyo Ben Doak ayaan loo ogolaanayn.
Waxa kale oo liiska ku biiray ciyaartoyda laga soo dallacsiiyey kulliyadda ee Jarell Quansah iyo Conor Bradley oo buuxiyey tirada tobanka ciyaartoy, laakiin waxa loo fasixi doonaa dhamaadka bishan oo ku beegan February 25 haddii ay finalka Carabao Cup ka adkaadaan Chelsea.