Arsenal ayaa waxaa soo wajahday cabsi kale oo dhaawac ah ka hor kulanka weyn ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester City.
Brazil ayaa xaqiijisay in Gabriel laga saaray xulka qaranka ee kulamada saaxiibtinimo ka dib dhaawac aan la sheegin nooca uu yahay.
Gabriel Martinelli ayaa isna laga saaray xulka Brazil ka dib dhaawac ka soo gaaray cagta kulankii ay Arsenal 6-0 ku xasuuqday Sheffield United horaantii bishaan.
Shalay oo Isniin aheyd xiriirka kubada cagta Brazil ayaa xaqiijiyay in Gabriel uu liiska dhaawacyada kula biiray Martinelli iyagoo seegi doona kulamada saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan England iyo Spain.
Waxaa bedelka Gabriel loo soo yeeray daafaca dhexe ee Juventus Gleison Bremer kaasoo wacdarro ka dhigaya horyaalka Talyaaniga.
Gabriel ayaa lix kulan u saftay xulka Brazil ka dib markii uu wicitaankiisii ugu horeysay ka helay xulka sannadkii hore isagoo qeyb ka ahaa xulkii Brazil ee kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee Bolivia iyo Peru.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha daafaca 26 jirka ah oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Gunners xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa hogaanka u heysa Premier League iyagoo ku dhibco ah Liverpool, waxayna hal dhibic ka sareeyaan kooxda horyaalka difaacaneysa ee Man City.
Kooxda Pep Guardiola ayaa martigelin doonta Arsenal 13 maalmood ka dib iyadoo kulankaan uu noqon doono mid wax weyn ka bedela tartanka horyaalka.