Xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo guddida anshaxaha ee Spain ay ku ridday laba ciyaarood oo ganaax ah oo horyaalka LaLiga ah ayaa waxa uu waajihi doonaa ganaax kale oo tartanka Champions League ah kaddib ciyaarta caawa ee kooxdiisa.
Jude Bellingham oo kaadh casaan ah qaatay ciyaartii qasku ka dhashay ee Valencia ee horyaalka LaLiga ee Arbacadii oo uu garsooruhu ku aamusiiyey casaan toos ah markii uu laacibkani ka cadhooday gool uu dhaliyey oo iyadoo kubaddu aanay shabaqa gaadhin uu garsoore Gil Manzano yeedhiyey siidhiga dhamaadka.
Bellingham ayaa kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Brahim Diaz waxa uu ku qabtay madaxa iyadoo ciyaartuna dhamaad ah, laakiin garsooraha ayaa kubadda oo hawada ku jirta afuufay siidhiga dhamaadka.
Carlo Ancelotti ayaa saxaafadda u sheegay in Jude Bellingham uu garsooraha ku yidhi: “Waxay ahayd ff****** gool”, balse ganaaxa ku dhacay laacibkan ayaa ka dhigan in uu seegi doono kulamada Celta Vigo iyo Osasuna ee horyaalka LaLiga.
Real Madrid ayaa go’aansatay inay rafcaan ka qaadato ganaaxa ku dhacay laacibkeedan oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan Los Blancos xilli-ciyaareedkan, waxaana la sugayaa jawaabta ay kala kulmi doonaan guddida anshaxa.
Jude Bellingham ayaa waxa sidoo kale uu waajahayaa xaalad adag oo dhinaca Champions League ah ka hor ciyaarta ay kooxdiisu ku martigelinayso RB Leipzig, taas oo haddii uu is-ilaalin waayo uu ku mutaysan doono ganaax.
20 jirkan ayaa hore usoo qaatay laba kaadh kulamadii Napoli iyo Union Berling ee wareeggii group-yada Champions League, waxaana haddii ciyaarta caawa ee RB Leipzig uu kaadh qaato laga ganaaxi doonaa hal kulan oo noqon doona lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League haddii ay kooxdiisu soo gudubto.
Xaaladdan oo kale waxa Real Madrid kaga jira Edouardo Camavinga oo isaguna laba kaadh soo qaatay kulamadii hore ee Champions League ee xilli-ciyaareedkan, waxaanay labadooduba ku qasban yihiin inay is-ilaaliyaan oo aanay wax kaadhadh ah qaadanin ciyaarta RB Leipzig ee lugta labaad.