Jude Bellingham ayaa muujiyay dareenkiisa ku aaddan hadallada Harry Kane ee ku wajahnaa xiddigaha xulka England.
Jude Bellingham wuxuu ahaa mid kamid ah xiddigaha ugu cadcad ciyaartii England ku garaacday xulka Greece ciyaar ka dhacday Athens, taasoo ay hareeyeen muran kadib sagaal ciyaaryahan oo isaga baxay xulka ka hor kulanka.
Jude Bellingham wuxuu taageeray hadalladii Harry Kane isagoo xusay ciyaartoyda ka baxday waajibaadka xulka England todobaadkan kadib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Greece.
Carsley wuxuu la kulmay dhibaatooyin intii ka horreysay ciyaarta kadib markii ugu yaraan SAGAAL xiddig oo England ah ay isaga baxeen xulka. Taas ayaa keentay in Harry Kane uu muujiyo niyad-jabkiisa wareysi uu bixiyay ka hor ciyaarta, isagoo yiri: “Waxaan u arkaa in England ay ka horreyso wax walba. Waxay ka muhiimsan tahay koox walba waana waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad ku ciyaarto kubadda cagta xirfad ahaan.”
Markii ay ciyaartu dhammaatay, Bellingham ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ciyaartoyda ka baxday xulka ka hor inta uusan ammaan u jeedin ciyaartoyda sida Curtis Jones iyo kuwa kale oo beddelay, wareysi uu siiyay ITV Sport. Wuxuu yiri: “Waxaa aad loo hadal hayay ciyaartoyda meesha ka maqnaa, laakiin waxaan u maleynayaa in ciyaartoyda halkan joogay ay wax cajiib ah sameeyeen. Curtis [Jones] oo kulankiisa ugu horreeyay ciyaaray, ayaa gool dhaliyay, waa wax layaab leh. Aad ayaan ugu faanayaa wiilasha caawa.
“Waxaa jiri lahaa malaayiin cudurdaar ah haddii aan si fiican u ciyaari laheen ama aan guuleysan laheen, laakiin wiilasha waxay u ciyaareen si xirfadleh. Waxaan dib ugu soo laabanay hogaanka guruubka, halkaasoo aan xaq u leenahay.”