Jude Bellingham ayaa la yaabay su’aal qariib ah oo gabar joornaaliistaha ay weydiisay kadib markii ay Real Madrid u soo baxday wareega 8-aad ee Champions League.
Kooxda reer Spain ayaa u gudubtay sideed dhamaadka Arbacadii ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay kooxda RB Leipzig ciyaar ka dhacday Santiago Bernabeu.
Ka dib ciuaarta, Bellingham ayaa la hadlay gabar wariye Talyaani ah oo lagu magacaabo Alessia Tarquinio oo u shaqeysa Amazon Prime Video.
Mar sii horeysay xilli ciyaareedkan ayuu la hadlay Tarquinio ka dib kulan ka tirsanaa wareega group-yada Champions League oo dhexmaray Real Madrid iyo Napoli.
Waqtigaas, Tarquinio ayaa ka codsatay Bellingham inuu la hadlo wiilkeeda oo mararka qaar aan si fiican u dhaqmin.
Bellingham ayaa kaamirada inta uu eegay waqtigaas yiri: “U naxariiso oo u wanaagsanow hooyadaa, hooyooyinka muhiim ayay inoo yihiin.”
Gabadhaan ayaa mar kale kala hadashay arinta wiilkiisa Jude Bellingham habeenkii Arbacada iyadoo ka codsatay mar kale inuu la hadlo wiilkeeda oo u sheego inuu wax barto oo uu ka shaqeeyo shaqo gurigiisa.
Bellingham ayaa ka dib la arkayay isagoo kaamirada tilmaamaya una sheegaya wiilkeeda inuu shaqo gurigiisa iskuulka sameeyo.
Si kastaba, Tarquinio ayaa hadalkeeda raacisay: “Waxaan ku weydiinayaa hal su’aal oo ugu danbeysa… ma dooneysaa inaad gurigeyga ii raacdo?”
Jude Bellingham ayaa amakaagay oo indhaha taagay iyadoo 20 jirkaan uu la yaabay su’aasha ay gabadhaan weydiisay.
Waxaa ka dib la maqlayaa dadka joogay istuudiyaha oo u sheegaya Tarquinio: “Alessia iska eeg waxa aad sheegeyso.” ka hor inta aysan hadalkeeda sixin oo aysan ku oran Belleingham: “Waxaad tahay wiilkeyga oo kale.”