Jose Mourinho Oo Shaaciyay Cidda Iska Leh Mas’uuliyadda Guuldarradii Kooxdiisa Ka Soo Gaartay Alaves

Tababaraha kooxda Real Madrid, Jose Mourinho, ayaa eedda guuldarradii 2-1 ee habeenkii Sabtida ka soo gaartay Alaves dusha ka saaray tamarta iyo dadaalka hooseeya ee ciyaartoydiisa. Guuldarradan ayaa soo afjartay 10 kulan oo xiriir ah oo ay Real Madrid badinaysay.

Toni Martínez iyo Ángel Pérez ayaa kooxda martida ahayd u dhiibay hoggaan laba gool ah, ka hor inta uusan Kylian Mbappe hal gool u soo celin Real Madrid. Sidoo kale, Jude Bellingham ayaa kaarka cas loo taagay ka dib markii uu qaatay jaallihii labaad, iyadoo garsooruhu uu ka noqday go’aan rigoore ah.

Isagoo la hadlayay saxaafadda ciyaarta ka dib, Mourinho wuxuu yiri: “Kama helin shaqada garsooraha haba yaraatee. Laakiin waxaan rabaa inaan caddeeyo, naloogama badin garsooraha awgiis, ee innaga ayaa iska luminnay ciyaarta.”

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waxaan u baahanahay inaan kulankan mar kale iyo mar saddexaadba daawado si aan jawaabo u helo. Mid ka mid ah waxyaabaha ii cad hadda waa inaan lahayn tamar ku filan.”

 

1 COMMENT

  1. Hhhhhhhhhh ninkaan meel kasto uu tago oo lagasoo badiyo marmarsiiyo ma waayo hada shaqada garsooraha majeclesan uu taaganya ma wuxuu rabe rogooradi beenta in la siiyo Real waa lagu fahme garsoore daacad haduu qabto ciyartooda waalaga guulesta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular