Jack Grealish ayaa ka biyo diiday in goolashii ay Man City ku buukimatay semi-finalka FA Cup loo qoro Bernando Silva ka dib guushii ay ka gaareen Newcastle.
City ayaa xalay 2-0 uga badisay Newcastle oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium.
City ayaa hogaanka xilli hore qabatay markii Bernando Silva kubad uu tuuray ay ku dhacday Dan Burn ka hor inta aysan shabaqa gelin.
Goolkii labaad ee City ayaa la mid ahaa midkii hore, iyadoo City uu mar kale dhaliyay kubad ku dhacday lugta ciyaaryahan Man City ah ka hor inta uusan Sven Botman sii madaxeynin taasoo keentay in goolhaye Dubravka uu dhinac qaldan u boodo.
City ayaa ciyaarta maamuleysay inkastoo labada gool ay dhaliyeen ay aheyd mid nasiib ah.
Inkastoo labada gool si rasmi ah loogu qoray inuu dhaliyay Bernando Silva, hadana saaxiibkiisa Jack Grealish ayaa ka soo horjeestay taas.
Xiddiga Ingariiska oo kursiga keydka fadhiyay ka dib dhaawac uu ka soo laabtay ayaa Instagram ku soo bandhigay fekerkiisa iyo inuu aaminsan yahay in labada gool ay ahaayeen kuwa ay iska dhaliyeen Newcastle.
Waxa uu Instagram soo dhigay sawir uu Bernando Silva fadhiyo qolka labiska ciyaarta ka dib.
Xiddiga reer Portugal ayaa kor u hayay labo farood oo ka dhigan labadii gool ee uu dhaliyay, laakiin Grealish ayaa sawirka ku dulqoray: “Goolashiisa ma aysan aheyn! Waxay ahaayeen goolal la iska dhaliyay (own goals)”
Grealish iyo Bernando Silva ayaa saaxiibo dhow noqday tan iyo markii uu xiddiga Ingariiska kooxda ku biiray 2021kii.