Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa shaaciyey shaqsigii sababta u ahaa inuu kooxdiisa Real Madrid u xidho No.5 oo uu hore caan ugu ahaa Zinedine Zidane, kaas oo Los Blancos ay u doortay markii ay kala soo wareegeen Borussia Dormtund xagaagii.
20 jirkan oo ay Real Madrid kasoo bixisay lacag dhan £115 milyan oo Gini marka lagu daro lacagaha ku xidhan bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho Real Madrid, ayaa waxa hore dookh ugu ahaa No.22 oo uu usoo xidhay kooxihiisii hore ee Borussia Dortmund iyo Birmingham City, laakiin markii uu yimid Real Madrid waxa lambarkan haystay Antonio Rudiger oo aanay cidina ka furfuri karaynin.
Bellingham ayaa waxa uu ogolaaday in uu xidho No.5 oo layaab ay noqotay markii sannadkii 2001 uu Zinedine Zidane u xidhay Real Madrid, kaas oo beddelay aragtidii ahayd in lambarkan ay xidhaan difaacyahannada oo kali ah.
Waxa uu Bellingham wacdaro ka dhigay garoomada markii uu xidhay lambarkan, isaga oo kooxdiisa u dhaliyey 22 gool, sidoo kalena caawiyey 10 kale, waxaana uu kula guuleystay horyaalka LaLiga iyo Spanish Super Cup, halka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ay caawa wada ciyaari doonaan Bayern Munich.
Bellingham oo la weydiiyey qofkii sababta u ahaa inuu xidho lambarkan ayaa yidhi: “Aabahay ayaa mar walba xidhan jiray garanka Real Madrid, guriga ayaanu ku haystay isaga oo dhabarka ay kaga qoran tahay ‘Zidane’. Waa arrin xidhiidhsan. Markii aan xagaagii halkan imid isaga ayaa isiiyey garanka iyo lambarka.”