Dimitar Berbatov ayaa ka baqaya in Manchester United aanay heli doonin weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo ay saf ugu jiraan kooxo badan oo reer Yurub ah bishan January, kaas oo la sheegayo in ay suurtogal tahay inuu ka tegi doono kooxdiisa Al-Ittihad.
Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo, balse Chelsea iyo Arsenal ayaa sidoo kale haysta fursado ay kula saxeexan karayaan laacibkan haddii uu go’aansado inuu dib ugu soo laabto Yurub.
Ivan Toney iyo Victor Osimhem ayaa labada kooxoodba hore loola xidhiidhinayay, laakiin waxa muuqata in aanay awoodi doonin sababtoo ah dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha oo aan u ogolaan doonin inay waqtigan bixiyaan lacago badan.
Benzema ayaa kooxaha waaweyn ee Yurub ay doonayaan inay amaah lix bilood ah kusoo qaataan, waxaanay Manchester United doonaysaa inay u marto dariiqii Wout Weghorst oo kaliya, kaas oo ay xilli-ciyaareedkii hore la saxeexdee markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo.
No.9-ka ay u baahan tahay Manchester United ayaa lagu sheegay inuu yahay Karim Benzema oo kale, laakiin Dimitar Berbatov ayaa rumaysan in aanay heli doonin halyeyga Real Madrid oo ay ka hor qaadayaan Chelsea ama Arsenal.
Dimitar Berbatov oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Waxa aan arkayaa in Man United ay sidoo kale kasoo muuqanayso sawirka Benzema, qof ayaana ii sheegay in ay suurtogal tahay inay maamulka kooxdu isku dayayaan. Waxa xiise yeelan doonta koox kasta oo uu ku biiro enzema, sababtoo ah waxa uu u keenayaa goolal.
“Waynu eegi doonaa waxa ay samayso Man United bishan January, waase maxay sababta aaay Man United ula saxeexanayn Karim? Waxa uu kusoo kordhinayaa khibrad iyo goolal. Waxa uu hore u joogay Real Madrid waxaana uu la hadli karaa Raphael Varane isla haddaba. Waxa uu weydiin karaa sida tababarku yahay, sida uu Ten Hag yahay iyo sida ay Manchester tahay intaba.
“Benzema hadda kuma faraxsana halka uu joogo iyoq aabka uu ku jiro sida aynu wararka ku hayno, waxaana uu doonayaa inuu ciyaaro kubadda cagta. Isagu lacagta aad uma daneeyo, wuu haystaa lacag badan, markaa waxa uu dookh u yahay Man United.
“Laakiin Benzema waxa uu doonayaa inuu ciyaaro Champions League, waxa uu doonayaa inuu si joogto ah u dheelo sabatoo ah waxa ay aad isku mid u yihiin Cristano Ronaldo, waxaanu doonayaa inuu koobab ku guuleysto.”
Intaas kaddib ayuu Dimitar Berbatov sheegay sababta aanay Manchester United ula saxeexanayn Benzema, waxaanu yidhi: “Anigu waxay ila tahay in Benzema uu waqti badan ku helayo Chelsea sababtoo ah Nicolas Jackson wali lama aanu qabsanin kooxda, fursado badanna wuu khasaarinayaa. Sidoo kale, London ayay ka dhisan tahay waana magaalo weyn.
“Arsenal ayaa sidoo kale aad ula mid ah sababtoo ah waxa uu awoodi doonaa inuu ku tartamo Champions League oo uu ku guuleysto. Waxa uu sidoo kale awoodi karayaa inuu si joogto ah uga garab ciyaaro Gabriel Jesus oo isagana garabka loo riixaya. Benzema waxa uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro Arsenal sababtoo ah waxa ay ku dheelaan qaab-ciyaareedka uu jecel yahay.”