Tababaraha kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion ee Roberto De Zerbi ayaa magacaabay kooxda ugu wanaagsan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu garab maray oo uu u diiday Manchester City iyo Liverpool, isaga oo cumaamaday Arsenal.
Roberto De Zerbi oo ay kooxdiisu goordhow la ciyaarayso Arsenal, ayaa waxa haddii laga badiyo naadigiisa ay Gunners la wareegi doontaa hoggaanka horyaalka oo ay hayn doonto illaa inta ay soo baxayso natiijada ciyaarta Man United iyo Liverpool ee Axadda.
Gunners ayaa hadda u dhacday kaalinta saddexaad sababtoo ah Man City oo hore saddexaad ugu jirtay ayaa dhaaftay laba dhibcood markii ay ka adkaatay Crystal Palace Sabtidii maanta, waxaana Roberto De Zerbi uu ammaan ugu sii qubeeyey Arsenal.
Roberto De Zerbi oo la weydiiyey kooxda ugu wanaagsan horyaalka Premier League waqtigan ayaa yidhi: “Haa, Arsenal ayaa ah kooxda ugu wanaagsan. Liverpool waa koox kale oo fiican oo leh qaab ka duwan Arsenal. Man City way kusoo dhow dahay qaabka Arsenal, laakiin marka Gunners ay si fiican u ciyaarayso, aad ayay u adag tahay.
“Waad fahmi karaysaan ereyadayda sababtoo ah Arsenal waxa ay 3-1 kaga adkaatay Liverpool bishii January, waxa ay garoonkeeda kaga guuleysatay Man City, waxaanay bandhig fiican ka samaynayaan Champions League.”