Halyeyga Faransiiska ee Zinedine Zidane ayaa magacaabay xiddiga kubadda cagta ee uu taageeraha weyn u yahay, mana aha ciyaartoyda aad moodaysaan ee Luka Modric, Toni Kroos, Kylian Mbappe, Lionel Messi, Mohamed Salah, De Bruyne iyo Rashford.
Zinedine Zidane oo saddex Champions League, laba horyaal iyo koobab badan oo kale u qaaday Real Madrid muddo afar sannadood iyo badh uu tababare u ahaa, ayaa waxa uu tusaale ay ku daydaan u yahay ciyaartooyo badan oo isku daya inay sidiisii oo kale kubadda u ciyaaraan.
Kubbad-sameeyaha Real Madrid ee Jude Bellingham oo saxaafadda la hadlay markii uu sheegay inuu taageere weyn u ahaa Zidane oo uu hadda xidho lambarkiisii Real Madrid ee No.5, waxaanu yidhi: “In badan ayaan u qushuuci jiray Zidane, raadkii uu kaga tegay kooxdan iyo lambarkiisaba. No.5 waa lambar i dhiirigelinaya. Waxa aan muddo dheer soo xidhnaa No.22, laakiin hadda waxa aan qaadan doonaa No.5.”
Bellingham oo waqtigaas hadlayey ayaa intaa ku daray: “Shaadhkan laftiisa ayaa masuuliyad ah, xaqiiqada ah in aan xidho ‘No.5′ culays ayuu sii kordhinayaa laakiin aniga waxa uu ii yahay caqabad sababaysa in aan sii wado halganka oo aan sare isku qaado, sababtoo Zidane waxa uu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan.”
Si kastaba, Zidane oo waraysi la hadlay wargeyska AS, ayaa u jawaabay waxaanu isaguna sheegay in uu taageere u yahay Jude Bellingham, waxaanu yidhi: “Bellingham waa ciyaartoy cajiib ah. Waa ciyaartoy sameeya waxyaabo cajiib ah. Waxa aad qiyaasi karaysay waxa uu samayn karayo marka aad aragto xogtiisa uu maalin walba jabinayo.
“Waa da’ cajiib ah. Sababtoo ah waxa uu ku illowsiinayaa in xataa uu 20 jir yahay.”