Manchester City iyo Arsenal waxay soo gaabiyeen farqiga dhibcaha ay Liverpool kaga hayso hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay Gunners3-1 ku garaacday Reds Axaddii, taas oo mar kale hoggaanka horyaalka ka dhigtay mid la isku dheggan yahay oo si aad ah loogu xafiiltamayo.
Mikel Arteta ayay kooxdiisu si xun u garaacday kooxda tababare Jurgen Klopp iyadoo ay goolasha u dhaliyeen Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Leandro Trossard, halka goolka madiga ah ee Liverpool uu iska dhaliyey difaaca reer Brazil ee Gabriel.
Manchester City oo iyaduna Isniintii safar ku tagtay Gtech Community Stadium,ayaa 3-1 kusoo garaacday Brentford, waxaanay kaalinta labaad ka riixatay Arsenal oo ay ku dhaaftay farqiga goolasha iyagoo dhibcaha isku mid ka ah.
Phil Foden ayaa kalidii ku filnaaday Brentford oo saddexda goolba ka dhaliyey, halka Neal Maupay uu gool madi ah oo uu caawiyey goolhaye Mark Flekken uu dhaliyey.
Saddexdan kooxoodba waxa kusoo aaddan kulamo adag usbuucyada soo socda, waxaana naadiga hoggaanka haya ee Liverpool ay u muuqataa midka ugu sahlan saddexdooda maadaama afarta ciyaarood ee hore ay la dheeli doonto Burnley, Brentford, Luton Town iyo Nottingham Forest, ka hor inta aanay March 10 u tegin Manchester City.
Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa iyaduna shanteeda ciyaarood ee soo socda, waxay ku furan doontaa Everton oo ay Sabtida ku qaabbili doonto Etihad Stadium, waxaana ugu xigaysa kooxda cadhaysan ee tababarahooduna halista ku jiro ee Chelsea oo iyaduna kusoo booqanaysa hoygooda, halka Brentford oo ay Isniintii wada ciyaareen ay isku noqon doonaan oo ciyaartoodii hore ee baaqatay ay dheeli doonaan 20ka February, waxaana ugu sii xigaya Bournemouth iyo Manchester United.
Marka la eego kulamada soo aaddan, Manchester City ayaa ah naadiga imtixaanka ugu adag maraya, maadaama shantooda ciyaarood ay ka mid yihiin Chelsea, Manchester United iyo Everton.
Arsenal ayaa dhinaceeda waxay kulanka koowaad ee Premier League ee kusoo aaddan marti u noqon doontaa West Ham maalinta Axadda, waxaanay sidoo kale safar ugu tegi doonaan Burnley ka hor inta aanay Emirates Stadium kusoo dhoweynin Newcastle United oo qaab-ciyaareed fiican ku jirta. Sheffield United iyo Brentford ayaa iyaguna kusii xigaya.
Aston Villa iyo Tottenham oo iyagana aanu kusoo darnay qiimayntan, waxa kusoo aaddan naadiyo adag iyaga oo waliba isla ciyaari doona.
Halkan kaga bogo min shanta ciyaarood ee kusoo aaddan shanta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League
Liverpool
- Burnley (Minan) – February 10
- Brentford (Marti) – February 17
- Luton Town (Minan) – February 24
- Nottingham Forest (Marti) – March 2
- Man City (Minan) – March 10
Man City
- Everton (Minan) – February 10
- Chelsea (Minan) – February 17
- Brentford (Minan) – February 20
- Bournemouth (Marti) – February 24
- Manchester United (Minan) – March 3
Arsenal
- West Ham (Marti) – February 11
- Burnley (Marti) – February 17
- Newcastle (Minan) – February 24
- Sheffield United (Marti) – March 4
- Brentford (Minan) – March 9
Aston Villa
- Manchester United (Minan) – February 10
- Fulham (Marti) – February 17
- Nottingham Forest (Minan) – February 24
- Luton (Marti) – March 2
- Tottenham (Minan) – March 10
Tottenham
- Brighton & Hove Albion (Minan) – February 10
- Wolves (Minan) – February 17
- Chelsea (Marti) – February 23
- Crystal Palace (Minan) – March 2
- Aston Villa (Marti) – March 10