Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo meel xaasaasi ah maraya, ayaa waxa naadiyada qaarkood ay wali ku jiraan tartamo kale, sida FA Cup iyo Carabao Cup, iyadoo usbuucan la xaqiijiyey isku-aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup oo kala badbaadeen naadiyadii waaweynaa.
Manchester City, Liverpool iyo Manchester United ayaa usoo gudbay wareegga shanaad ee FA Cup, laakiin Chelsea iyo Aston Villa ayaa kulankoodii hore ku kala bixi waayey oo mar kale la isku celin doonaa.
Kulamada wareegga shanaad ee FA Cup waxa la ciyaari doonaa dhamaadka bisha February, waxaanay dhaxtaal u noqonayaan horyaalka Premier League oo isaguna si joogto ah loo dheeli doono, kaddib markii bisha January ay kooxuhu heleen fasaxyo dhaadheer.
Liverpool iyo Chelsea ayaa waxa u raaci doona finalka Carabao Cup oo ay iskugu soo baxeen oo ay midkood calfan doonto bisha February oo koobkii ugu horreeyey ee xilli-ciyaareedkan la go’aamin doono kooxda ku guuleysatay.
Qormadeennan waxa aynu ku eegaynaa min shanta ciyaarood ee horyaalka Premier League ee kusoo waajahan shanta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League, kuwaas oo mid walba ay mari doonto imtixaan adag.
Liverpool ayaa ah naadiga horyaalka hoggaaminaya ee kulamada ugu adag sugayaan, waxaanay Arbacada toddobaadkan la ciyaari doontaa Chelsea oo ay ku qaabbili doonto Anfield, iyadoo la ogaa in ciyaartii ugu horreysay xilli-ciyaareedkan ee horyaalka Premier League ee labadan kooxood ay barbarro goolal la’aan ah kusoo kala baxeen garoonka Stamford Bridge.
Iyadoo Liverpool aan wax nasiimo ah ka gelin ciyaarta Chelsea, ayaa waxa ay haddana isku diyaarin doontaa Arsenal oo ay ugu tegi doonto Emirates Stadium maalinta Axadda ee foodda inagu soo haysa ee February 4, kaddibna Burnley, Brentford iyo Luton ayay la dheeli doontaa.
Shantan ciyaarood haddii ay Liverpool guulo ka keento, waxa xaqiiqo noqonaysa in kooxda tababare Jurgen Klopp ay si dhab ah ugu tartamayso horyaalka Premier League oo ay illaa dhamaadka isku dheggenaan doontaan Manchester City oo hadda kaalinta labaad ku jirta.
City ayaa waxa ay Arbacada martigelin doontaa Bunley, waxaana ugu xigi doona Brentford iyo Everton, ka hor inta aanay Chelsea la dheelin iyadoo mar kale ay isku soo noqon doonaan Brentford.
Kulamada Manchester City way ka fudud yihiin marka loo eego kuwa Liverpool, waxaana uu tababare Pep Guardiola haystaa fursad uu ku garbin karayo Klopp haddii ay dhibco lumiso Reds.
Arsenal waxa shanteeda ciyaarood ee kusoo waajahan ay ku furan doontaa Tottingham oo ay Salaasada u tegi doonto, ka hro inta aanay Liverpool soo dhoweynin, waxaana ugu sii xigaya West Ham iyo Bunrley oo ay booqan doonto iyadoo Newcastle ay tahay kooxda ugu dambaysa shanta kulan ee aynu xogtooda soo bandhigayno.
Halkan kaga bogo min shanta ciyaarood ee kusoo waajahan shanta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League
Shanta kulan ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool
Chelsea (Minan) – Arbaca, January 31
Arsenal (Marti) – Axad, February 4
Burnley (Minan) – Sabti, February 10
Brentford (Marti) – Sabti, February 17
Luton Town (Minan) – Sabti, February 24- – isbeddel ayaa lagu samayn karaa waqtiga kulankan
Shanta kulan ee Premier League ee kusoo waajahan Manchester City
Burnley (Minan) – Arbaca, January 31
Brentford (Marti) – Monday, February 5
Everton (Minan) – Sabti, February 10
Chelsea (Minan) – Sabti, February 17
Brentford (Minan) – Salaasa, February 20
Arsenal next five fixtures
Nottingham Forest (Marti) – Salaasa, January 30
Liverpool (Minan) – Axad, February 4
West Ham (Marti) – Axad, February 11
Burnley (Marti) – Sabti, February 17
Newcastle (Minan) – Sabti, February 24
Shanta kulan ee Premier League ee kusoo waajahan Aston Villa
Newcastle United (Minan) – Salaasa, January 30
Sheffield United (Marti) – Sabti, February 3
Manchester United (Minan) – Axad, February 11
Fulham (Marti) – Sabti, February 17
Nottingham Forest (Minan) – Sabti, February 24
Shanta kulan ee Premier League ee kusoo waajahan Tottenham Hotspur
Brentford (Minan) – Arbaca, January 31
Everton (Marti) – Sabti, February 3
Brighton (Minan) – Sabti, February 10
Wolves (Minan) – Sabti, February 17
Chelsea (Marti) – Jimce, February 23 – isbeddel ayaa lagu samayn karaa waqtiga kulankan