Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aan kama dambays ah ka gaadhay saxeexa xiddiga reer France ee Karim Benzema oo si weyn loola xidhiidhinayo, kaas oo ay wararku sheegayaan inay amaah kaga soo qaadanayaan kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad.
Halyeyga Real Madrid ayaa la sheegay inuu ku riixayo naadigiisa Al-Ittihad inay amaah ugu diraan kooxaha Yurub inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan, waxaana naadiyada aadka loola xidhiidhinayo ku jiray Chelsea, Manchester United iyo Arsenal.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic ee kasoo baxa UK, Chelsea ayaa go’aan ku gaadhay in aanay la saxeexanin Benzema bishan January, waxaanay taas beddelkeeda fursad iyo ahmiyad siin doonaan ciyaartoyda da’da yar ee usoo baxaysa ee ay ku haystaan Stamford Bridge, iyo haddii laga tegi waayo oo ay ciyaartoy mustaqbalka iyo haddaba ah soo qaadan doonaan.
Suuqa iibka ciyaartoyda oo maalmo kooban ay ka hadhsan yihiin waqtiga uu xidhamyo, waxay Chelsea danaynaysaa weeraryahanka Aston Villa ee Jhon Duran, laakiin duruufo dhaqaale oo haysta ayaa ku qasbaya inay ciyaartooyo iibiyaan ka hor inta aanay ciyaartooyo cusub la saxeexanin.
Warka ayaa intaa ku daray, in Chelsea ay ku adkaysan karto inay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January ka aamusto oo aanay wax saxeexyo ah samaynin, balse xagaaga ay safkooda kusoo xoojiyaan weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo toddobaadkan ay Napoli shaacisay inuu ka tegi doono xagaaga, kaas oo lagu heli karayo lacag gaadhaysa 100 milyan oo Gini.